Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa tacsi u dirtay eheladii iyo qaraabadii ay dadku uga geeriyoodeen qaraxii maanta ka dhacay goob u dhow Masjidka Al-Rowda ee magaalada Bossaso.
Madaxweyne Cabdiraxman Farole ayaa saxaafada la hadlay goor dhowayd, waxana uu ka hadlay qaraxii ka dhacay, isagoona si wayn u canbaareeyay cidii ka danbeysay falkan.
Waxa uu sheegay in 7 qof ay ku dhinteen oo ciidan iyo shacab isku jira, sidoo kalena dhaawacu isna yahay 37 ruux.
‘’Waxaan ku kalsoonhaya midnimada reer Puntalnd iyo sida ay hal meel uga soo wada jeesteen cadowgooda” ayuu yiri Madaxweynuhu oo hanbalyo u diray ciidamada amaanka sugay ka dib qaraxa si aan looga faa’ideysan isku imaatinka dadka iyo dhakhaatiirta u istaagay gurmadka.
Shacabka ayuu ugu baaqay Dr. Farole inay la shaqeeyaan ciidamada amanka si nabadgelyada loo sugo.
Bossaso ayaa waxa gebi ahaan la hadal hayaa weerarka ismiidaaminta ah ee lala beegsaday ciidanka Badda iyo shacabka Puntland. wxan goobta la wareegay ciidanka oo sugaya amaanka.