Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Madaxweynaha J.F. Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamuud ayaa aad u dhaleeceeyay Qaraxii Foosha Xumaa ee ka dhacay Boossaaso, Puntland.

$
0
0

(Muqdisho, Soomaaliya December 05, 2013 ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamuud ayaa aad u dhaleeceeyay una diray tacsi dhamaan muwaadiniintii ku geeriyootay qaraxii foosha xumaa ee maanta ka dhacay magaaladda Boossaaso ee Puntland.

“ Argagixisada waxaa looga guuleystay dagaalkii ay kula jireen umadda Soomaaliyeed, hadana waxeey bilaabeen in ay shacabka Soomaaliyeed meel walbo ay joogaan in ay laayaan.Insha Allah waan ka guuleysan doonaa. Waxaan eebe uga baryayaa in shacabkii maanta ku geeriyooday qaraxii foosha xumaa uu  Janatul Fardowsa ka waraabiyo, Aamiin, Aamiin,Aamiin.

 “Waxaan dhamaan Shacabka Soomaaliyeed ku bogaadinyaa in hal meel ay uga soo wada jeestaan ciribtirida cadawga Soomaaliya.”Saa waxaa yiri Madaxweynah J.F. Soomaaliya

Wixii faah-­faahin ah kala soo xiriir:Malik Abdalla,Agaasimaha Warfaafinta Villa, Somalia, Muqdisho, mabdalla@presidency.gov.so.

Madaxweyne-Xasan-Sheekh-300x200


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles