Weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goor dhow ka dhacay bartamaha magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, iyadoo qaraxan uu ahaa mid xoogan uu qasaare fara badan uu dhaliyay.
Sida ay sheegayaan wararka gaariga qaraxa laga soo buuxiyay oo uu kaxeynayay ruux naftii hure ah ayaa bartilmaameedsaday kolonyo ciidan oo mareysay bartamaha magaalada Boosaaso.
Wararka ayaa intaa ku daraya inuu jiro qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray ciidamada Puntland iyo dad rayid ah oo ka ag dhowaa halka qaraxa ka dhacay.
Ma jirto ilaa iyo hada cid sheegatay weerarkan ismiidaaminta ah, iyadoo uu noqonayo weerarkii labaad oo is qarxin ah ka dhacay magaalada Boosaaso tan iyo sanadkii 2008-dii.
Qaraxan Ismiidaaminta maanta ka dhacay Boosaaso ayaa ku soo aadaya, iyadoo Puntland bisha soo socota ka dhici rabto doorashada Madaxtinimada, waxaana maalmihii u dambeeyay ka jira magaalada Boosaaso olole musharaxiinta ugu jireen doorashada Janaayo ee sanadka soo socda dhici doonta.
Puntland dayaa sanadihii u dambeeyay dagaal kula jirtay xoogag hubeysan oo saldhig ku leh Buuraleyda Gal Gala, kuwaasoo sanadkii 2012 ku biiray Xarakada Al-Shabaab.