Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Yuusuf Kaba-kudukade “Afar sano oo aan maamuleynay wax fatahaad ah kama dhicin Sh/Dhexe”.

$
0
0

kabakutukadeGudoomiyaha Al-Shabaab ee Gobolka Shabellaha Dhexe Sheekh Yuusuf Kaba-kudukade ayaa ka hadlay fatahaadaha iyo colaadaha ka jira Gobolka Shabellaha Dhexe, isagoo tilmaamay in aanu maamul ka jirin magaalada Jowhar.

Yuusuf Kaba-kudukade oo la hadlay idaacada afka Shabaab ku hadasha ayaa sheegay in fatahaada wabiga Shabelle uu maasheeyay magaalada Jowhar iyo tuulooyin ka tirsan Sh/Dhexe.

“Fatahaada wabiga Shabelle wuxuu maasheeyay qeybo badan oo magaalada Jowhar ka tirsan ilaa ay ka go’day wadada laamiga ee isku xirta Muqdisho iyo Gobolada dhexe”ayuu yiri Mr Kaba-kudukade.

Mr Kaba-kudukade ayaa sheegay in mudadii afarta sano ee Al-Shabaab ka talinayeen Shabellaha Dhexe aysan wax fatahaad ka dhicin, isla markaana ay mas’uuliyad weyn iska saareen sida uu yiri.

“Afarti sanadood ee mujaahidiintu maamlayeen wax fatahaad ah kama dhicin gobolka oo mas’uuliyad ayaan iska saaraynay fatahaadda hadda waxa meesha kajira waa gumeysi aan dadka u naxayn”ayuu yiri Sheekh Kaba-kudukade.

Waxaa uu ugu baaqay shacabka ku dhaqan gobolka inay hubka qaataan, isla markaana ay iska kiciyeen ciidamada shisheeye, isla markaana shacabka ciriiri geliyay sida uu yiri.

Fatahaada wabiga Shabelle uu sameeyay ayaa afar bilood jirsaday, iyadoo aanay jirin tallaabooyin looga hortagay xakameynta biyaha, isla markaana daadadka wabiga ay gooyeen wadooyinka laga soo galayay magaalada.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles