Xarunta Hay’ adda PDRC ee magaalada Garowe ayaa waxa kulan ku dhexmaray Ergayga QM Somalia u qaabilsan Nicholas Kay iyo qaar ka mida issimada Puntland.
Shalay ayuu Puntland ku tagay booqasho saddex maalin qaadaneysa, isagoona gelinkii hore la kulmay madaxweyne Cabdiraxman Maxamed Farole ayna isla meel dhigeen qodobo dhowr ah.
Afhayeenka issimada Puntland Garaad Cabdulaahi Cali Ciid ayaa Saxaafada uga warbixiyay kulankii Mr. Kay ay la yeesheen, waxana uu xusay inay isla soo qaadeen hanaanka doorashooyinku u dhacayaan.
Kootada haweenka ee Baralamanka ayaa sidoo kale Kay ka codsaday odayaasha inay ka qaybgaliyaan siyaasada haweenka Puntland islamarkasina door muuqda ku yeeshaan.
Nicholas Kay ayaa musharaxiinta qaar la kulmaya waxana sidoo kale uu tagi doona xarumo Qaramada Midoobay mashaariic ay ka fulisay iyo kuwa gurmadka deg dega.