Dowlada Puntland ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday in gebi ahaanba la joojiyay Caagaga waaweyn ama Jiirgaamada qaada 100,ka leter iyo 200, litir.
![Caagado (1)]()
Waxaa maanta saxaafada ugu qabtay shir saxafadeed xafiiskiisa magaalada Boosaaso Agaasimaha Waaxda Furdooyinka ee Wasaarada Maaliyada Punland Qaasim Maxamed Yuusuf, waxaan uu ugaga warbixiyay amarkan lagu mamnuucayo Caagagan jiirgaamada loo yaqaan.
Agaasimaha ayaa sheegay in Wasaaradu amarkan si rasmi ah u soo saartay 16kii bishan islamarkaana uu ku egyahay joojintiisa 30ka bishan, waxii ka dambeeyase aanay soo geli karin caagahadan gudaha Puntalnd.
Sababta ay dowladu u joojisay Caagadahan ayuu ku tilmaamay agaasimuhu in ay tahay in caagadahaasi ay badatay dhibaatooyinkooda, ayna yihin kuwo lagu sumoobo oo asalkooda lagu qaado suta haraaga warshadaha Kiimikada.
Hoos ka daalaco Bayaanka ka soo baxay Wasaarada Maaliya qeybta Furdada.
![bayaan-qaasim1]()
|