Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Jaaliyada Puntland ee Stockhlom-Sweden oo Saaka ku Waaberiisatay Ceebtii Ugu Xumayd Abid.

$
0
0

Jaaliyada Puntland ee Stockholm ayaa  Saaka  ku waaberiisatey Ceebtii ugu xumeyd ee abid soo marta Qurba Joogta Reer Puntland.

Jaaliyada ayaa aad uga xumaatey in Xalay ay xafladaynaayaan Koox  sheeganaysa taageerayaasha Dr. Abdiweli Gaas, ahna musharax madaxweyne Puntland 2014, waxaana  Xalay  lagu qiyaasey kharajka ku baxay xafladeyntaas lacag dhan 50.000 SWKoo u dhiganta  8000 USA.

Waxaa wax aad looga xumaado in dad ehel ah oo reer ”PUNTLAND SHEEGANAAYA” iney u bareeraan xafladeyn iyadoo la ogyahay musiibada qaran oo ka taagan dalkii ey ku abtirsanaayeen, dadkaas oo ey dadaal badan ugaleen waxgaradka reer Stockholm iney ka dhaadhiciyaan iney  joojiyaan howl walba oo ku saabsan abaabul siyaasadeed oo xafladeyn ah, madaama dadka qurbaha ey yihiin dadka laga rabo iney hiil iyo hoo lagarab istaagaan walaalahood Soomalieyeed  oo ku waxyeeloobey dhibaatada ”Dufaanta”. Qasaaraha gaareyna ey laqeybsadaan walaalahood dal iyo dibad.

Balse nasiib wanaag bulshada Soomaaliyeed ee Stockholm gaar ahaan reer Puntland ayaa muujiyey qiiro Soomaalinimo iyo bini’aadanimo oo ka baaqsadey xafladeyntii lagu casumey tiro aad u badan.

Jaaliyada Puntland ee Stockholm oo ku tilmaameysa Teamka noocaas u dhaqma iney damiirlaheun mid islaanimo iyo mid biniaadinimo. Jaaliyada Puntland ee reer Stockholm waxey tacsi u dirayaan dadkii iyo eheledii ku waxyeeloobey masiibadii dhacdey, intii dhimateyna alaha u naxriisto inta dhibaatada ka soo gaarteyna oo maanta ku ceyrtoobey waxaan lagarab istaageynaa kaalmo intii tabarteena nagaarsiiso insha,alaah hadana uu ka socdo abaabul dalka Sweden si xowli ah.

Jaaliyada Puntland Stockholm waxay kaloo tacsi gaar ah u direysaa walaalkeen Cawil Diiriye Muuse Mataan ahna raga lafdhabarka u ah Jaaliyada, aadna loogu yaqaano ehelnimada iyo taageerida dadka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland.

Cawil oo walaalkiis iyo familkiisii ku nafwaayeen dhibaatadii ”Dufaanta” alaha samir naga wadasiiyo, ilaahna waxaan uga baryeynaa inuu janadii ka waraabiyo Aamiin, Aamiin, Aamiin.

Tacsi ka timid Jaaliyada Puntland ee Stockholm kuna socota Dadka reer Puntland walaalayaal waan idinla qeybsaneynaa dareenka iyo duruufaha maanta aad kujirtaan ilaahna hanaga dhigo kuwii ku sabra awooda alle.

JAALIYADA PUNTLAND EE STOCKHOLM.

Jaaliyad

Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369