Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole iyo wefti uu hogaaminayo ayaa manta gaaray magaalada Sanca ee xarunta Yemen halkaas oo ay kulamo kula soo qaadan doonaan madaxda Dalkaas.
Booqashada Madaxweynaha oo dhowaanahan ku sugnaa Magaaladda Dubai ayaa imanaysa kadib markii uu marti qaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha wadanka Yemen Abdi Rabbuh Mansur Hadi.
Wasiirka Amniga Khaliif Ciise Mudan, Caafimaadka Cali Cabdulaahi iyo sarakiisha madaxtoyada ayaa wehelinaya Dr.Farole, waxana soo dhoweeyay wasiirka arrimaha gudaha Yemen oo qado sharaf la qaateen, diblumaasiyiin iyo saraakiisha amaanka.
Safiirada Somalia iyo Yemen ayaa igaguna qayb ka ahaa soo dhowaynta Farole.
Mudada uu weftiga Puntland ku sugan yahay Dalka Yemen ayaa lagu wadaa labada dhinac inay ka wada hadlaan Xaalada siyaasadeed ee Wadanka Soomaaliya, Sii xoojinta dagaalka ka dhanka ah Burcad badeeda, Tahriibta iyo Ganacsiga .
Puntland iyo Yemen ayaa leh xiriir Ganacsi oo taariikhi ah iyagoo xuduud dheer ka wadaaga dhinaca Bada Cas taas oo lagama maarmaan ka dhigaysa in la sii adkeeyo Iskaashiga dhinacyada Amaanka, Dhaqaalaha iyo Isu socodka.
Madaxweynaha Puntland ayaa horay booqasho rasmi ah ugu tegay wadanka Yemen sanadkii Bilawgii October, 2010 isagoo kulamo halkaas kula soo qaatay Madaxweynihii hore ee wadankaas Cali Cabdale Saalax .
![DSC_1123]()
|