Bismillaah!
Waxaan ku bilaabayaa Eebe wayne magaciis naxariis iyo nabadalyo nabi Maxammad korkiisa ha ahaato intaa kagadaal.
Musharxa madaxwaynaha Dowlada Puntland.
Filosof Jaabir Xuseen Gacayte.
Waxaan halkaan kusoo gudbin doonaa dhab ahaan shaha musharaxnimo ee aan ku doonayo inaan ka qayb galo doorashada 08.01.2014 ee ka dhicidoonta caasimada Puntland ee Garoowe.
Sida la ogsoonyahay waxaa musharax noqda inta badan Odayaal jeebku hoos u daloolo oo iyagu xirtay hogaanka sare ee dalka, loona diiday dhalinyaradu inay ka qayb qaataan isbadalka dalka iyo saamayn inay ku yeeshaan siyaasadda dhamaanteed.
Hadaba arinmahaas oodhami waxay quus galiyaan dhalinyara qaybtood oo isu arka marka isbadal ladoonayo inay u daba fariistaan Odayadii aan kor kuxusay.
Waxaan marlabaad xusahayaa inaan ahay Masharax waayo waxaan ogahay inaan munaasib ku ahay oo aanay waqtigii Jeeb hoos u daloole lajoogin.
Waxaynu ogsoonahay inaynu u baahannahay Hoogaamiye kartileh oo keeni kara isbadal dhab ah oo ku salaysan aqoon, wadatashi,isutanaasulid iyo dantiisa mid ka hor mariya danta guud ee loo igmaday.
Hadaba waxaan balan qaadi doonaa inaan Shanta sane ee soosocoto aan Puntland gaarsiiyo horumar dhinacyo badan taaban nooda sida.
1- Inaan ka shaqeeyo Amniga oo aan samayn doono ciidamo loocarbiyeeyay sugida amniga oo aanay ka marnayn inay aqoon iyo asluuba u dhisan yihiin.
2-Inaan ka shaqeeyo Waxbarashada sidii aan uga dhigilahayn mid tayadeedu aad uga sarayso sida ay hada tahay, waxaana ka dhigi doonaa dhamaan Iskuulada kuwo bilaash aay ku dhigtaan reer Puntland.
3- Inaan ka shaqeeyo caafimaadka oo dhibka ugu badan oo kataagan iminka deegaanada Puntland uu yahay ayaan doonaynaa inaan gaarsiiyo gobol bol, dagmo dagmo, tuulo tuulo iyo miyiga fog oo aan u samayn doono meelo ay ka helaan gargaarka deg dega ah. ( gobol gobol, degmo degmo baad ka wadaa sow maaha- fiiri gobol waxaa ka dmeeya Bol)
4- Inaan ka shaqeeyo horumarka bulshada dhamaantiis sida, inaan abuuro shaqooyin si baagamuundadu u yaraato, inaan dhiiri galino danyarta u baahan taakulo inay nolosha maareeyaan iyo bilic wanaajinta dhamaan Magaalooyinka waa wayn.
5- Inaan ka shaqeeyo qodobka ugu wayn ee ah inaan dadka cadaalad u samayno oo aan uga baqno Allehood iyaga aan ku xirno Allehood.
Shantaan qodob oo hordhaca barnaamijkayga musharaxnimo laakiin waa uu ka badan yahay shantaan qaybood barnaamijka aan ugu tala galay Hagida Hogaanka sare ee Dowlada Puntland.
Gebagabo
Waxaan ku gebagabaynayaa halkudhiga doorashada oo aha
” Hadooran Oday xoogiisu yahay Qori, Caqligiisuna yahay Qabiil.
Dooro Filosof Xoogiisu yahay Qalin, Caqligiisuna yahay Diin”.
Mahadsanidiin
Guul ayaan u rajaynayaa Puntland.
Puntland geedbaan ka beeri
Gu’ iyo dayr harkiis dhamaanin
Dadkeenu gabaad udoonto
Gaajada maatadeena dubatay
Mirahaan geedkaa ka gooyo
Anoon gobol gobol u eegin
Ayaan guri guri ugaarsiin
Eebihii garabkey ahaayoow
Inaan gacalkayga doojo
Adaa guuloow awoodee
Puntland gacantayda soogali!.
By Filosof Jaber Gaeyte
Geedka dhamasa hoostiisa.