Baarlamaanka dalka Nigeria ayaa maanta gacanta iskula tagay, kadib markii uu buuq ka dhashay fadhigii baarlamaanka ay maanta ku yeesheen magaalada Abuja.
Gacan ka hadalka ayaa ka dambeeyay markii mudanayaal ka go’ay Xisbiga talada haya ee PDP ay bilaabeen inay fadhiga baarlamaanka ay buuq iyo qeylo ka dhex sameeyaan, taasoo keentay in dhinacii kale ay is hortaagaan, dabadeedna uu dhacay dagaal.
Muuqaalo laga arkay Telefishinada ayaa muujinaya Xildhibaanada oo qoorta iskula jira, kuwa miisas isku garaacaya, waxaana Haweeney ka mid ah Baarlamaankana ay cidiyaheeda ay wajiga kaga fiiqday mudane kale.
Xubnaha mucaaradka ee ka go’ay Xisbiga PDP ee talada dalka Nigeria haya ayaa doonaya in Madaxweyne Goodluck Jonathan in aanu mar kale isa soo sharixin sanadka 2015, inkastoo aanu Madaxweynuhu ku dhawaaqay inuu doonayo in mar kale uu isu soo taago jagadiisa.
Baarlamaanka dalka Nigeria ayaa dhowaan ka soo noqday fasax labo bilood ah ay ku maqnaayeen, waxaana la sheegay in gacan ka hadalka ka dhacay aqalka hoose ee baarlamaanka uu socday muddo 10-daqiiqo ah.
Wariye ka tirsan BBC-da oo ka ag dhowaa goobta ay gacan ka hadalka ka dhaceen ayaa soo sheegay inuu arkay labo mudane oo shaararkooda laga jeex jeexay.
Xisbiga talada haya ee PDP ayaa tan iyo sanadkii 1999 ku guuleysanayay doorashada madaxtinimada dalkaas, waxaana Madaxweynaha xilligan Goodluck Jonathan xilka madaxtinimada loo doortay sanadkii 2010.
Baarlamaanada dalalka caalamka ayaa waxaa ka dhex dhaca rabshado iyo gacan ka hadalo, marka ay isku qabtaan siyaasada dalka, waxaana Baarlamaanadaas ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya oo dhowr jeer oo hore gacan iskula tagay, iyadoo dhacdadii ugu weyneyd aheyd tiika dhacday Nairobi sanadkii 2005-tii.