Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Maanta Gacanta Iskula Tagay(Video).

Image may be NSFW.
Clik here to view.
mqdefault
Kullan ay maanta magaalada Hargeysa ku yeesheen Golaha Wakiilada Maamulka Somaliland ayaa ka dhashay dagaal Feer iyo Laad ah oo Xildhibaanada iskula tageen, kadib markii uu buuq ka dhashay Mooshin lagaga doodayay xeerka wado marista canshuur kordhinta, kaasoo uu soo gudbiyay wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xersi Xaaji Cali Xasan.

Xeerkan oo ka doodistiisa ay socotay mudo labo maalmood ayaa Xildhibaanada qaar waxay sheegeen in xeerkan soo gudbintiisa xaq u laheyn Wasiirka Madaxtooyada soo gudbiyo, isla markaana howlihii ka muhiimsanaa ee in xukuumadda Somaliland soo gudbiso ay ka jiifatay.

Mooshinkan ka dhashay dagaalka gacan ka hadalka ayaa wuxuu sababay in Xildhibaanada ay gacanta iskula tagaan, isla markaana buuq ka dhasho mooshinkan oo aan la ogeyn halka uu sal dhigan doono.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369