Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Dr.Faroole oo Khudbad Dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey shirkii New Deal.

$
0
0
Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamad Farole oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa daqiiqado ka hor kasoo jeediyay shirka New Deal ee Brussels ayaa Dowladaha caalamka iyo beesha caalamka ka codsaday in aan la joojin ama aan la xarin koontooyinka ay bangiyada caalamiga ah ku lee yihiin,taasoo buu yiri Farole saamayn raad xun reebaysa ku yeelan karto kumanaan Somali ah oo ku tiirsan kaalmada ay dadkooda dibada jira ka heleen,

Khudbada madaxwaynaha Puntland waxaa ka mid ah in Midowga Yurub ay si gaar ah usii xoojiso wada shaqaynta kala dhaxaysa Somalida,wuxuna ka waramay xaalada guud ee wadanka iyo dadaalka ay Puntland ugu jirto sidii midnimada iyo ammaanka dalka looga wada shaqayn lahaa.

Madaxwaynaha Dowlada Puntland ayaa khudbadiisa u dhacaysay inay ka go’an tahay sidii dib u dhiska wadanka looga shaqayn lahaa,kaalinta ay Puntand ku leedahayna ay ka qaadanayso,sidoo kale waxa uu ka waramay oo sharaxaad dheer ka bixiyay nidaamka Puntland ay ku shaqayso iyo qorsha mustaqbalka dhow u degan.

Dr.Farole waxa uu mahad u celiyay beesha Caalamka,Midowga Yurub iyo dowladaha kale ee garab taagan dhismaha Somalia,wuxuna sheegay Puntland inay door muuqda ka qaadatay dhismaha DFS,wuxuna hadalkiisa ku daray xili kasta inay ka go’antahay xalka Somalia oo si wanaagsan loo raadiyo.

Kaalmadii ugu horaysay Somalia waxaa ugu deeqay Midowga Yurub,kaasoo lagu tilmaamay inuu bilow u yahay saacadaha soo socdana lagu rajo wayn yahay inay wadamada kale ee daneeya arrimaha Somalia ay doorkooda muujin doonan.

5(15)


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Latest Images

Trending Articles