Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Wasiirka Dekedaha Puntland oo ka Warbixiyey Waxyaabihii kasoo baxay Shirkii Burcad badeeda ee Dubai.

$
0
0
Magalada Dubai ee xarunta isku taga imaaraadka carabta waxaa kusoo dhamaaday maalinkii shalay shir labo maalmood socday oo looga hadlayay arrimaha burcad badeedka iyo sidii loo xoojin lahaa la-dagalankooda,waxana kasoo baxay qodobo dhowr ah.Wasiirka dekadaha,gaadiidka badda iyo la-dagalanka burcad badeeda Dowlada Puntland Eng.Siciid Maxama Raage oo la hadlayay Radio Garowe ayaa ka war bixiyay shirka waxyaabihii kasoo baxay iyo dhanka Puntland waxay la tageen,wuxuna sheegay in looga hadlay xoojinta ammaanka iyo sidii looga wada shaqayn lahaa ammaanka mandaqada Gobalka.

Mudane Raage waxa uu sheegay kulanka dhamaadkiisa inay kasoo baxeen qodobo ay ka mid yihiin in lasii joogteeyo la-dagalanka burcad badeedka iyo sidii dowladaha caalamka yabooh dhaqaale oo ka badan 300-maylan u siin lahaayeen la dirirka burcad badeedka Somalia.shirka ayaa waxa lagu ammaanay inta uu socday sida wanagsan oo ay Puntland uga qayb qaadatay la dirirka kooxdaas iyo sidii dadka deegaanka looga wacyi galin lahaa falalka foosha xun ee ay ku kacaan.

Dhinacyada shirka ka qayb galay ayaa isku raacay in sanadkii ugu danbeeyay iyo kan hada socdaa uu hoos u dhacay weeraradii ay kooxda burcad badeedka qaadi jiraan,taasoo ugu wacan go’aamada adag oo ay caalamka ka qaateen iyo howlgalinta ciidanka caalamiga ah ee NATO,waxana la go’aanshay in dadaal dheer  loo galo dadka gacanta burcad badeedka ku jira sidii loo dayn lahaa.

Wasiirka Dekada ayaa ka war bixiyay kulamo gooni gooniya oo ay magalada Dubai kula qaateen saraakiil ka socda QM iyo wasiirka arrimaha dibada dalka Yemen,kulamadaasi ayuu ku tilmaamay inay kusoo dhamaadeen is-afgarad iyo in xal waara loo raadiyo Somalia,waxayna sidoo kale la kulmeen madaxwaynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud Balse wasiirku wuu ka gaabsaday inuu ka war bixiyo arrimaha laga wada hadlay.

Egn.Siciid Maxamad Raage ayaa sidoo kale sheegay inay ciidankooda badda hadii ay hellaan taageero ay ku fulin yihiin inay iska caabiyaan weerarada ay kooxda burcad badeedka biyaha Somalia ku haysto,wuxuna talo ahaan usoo jeediyay inay muhiim tahay in la helo ciidan qaran oo ilaaliya xeebaha Somalia si looga adkaayo kooxaha weerarka ku ah.

Wafdiga madaxwaynaha Dowlada Puntland ayaa lagu wadaa inay maalmo ka dib u dhoofaan magalada Brussels.halkaasoo 16-ka bishaan uu ka furmayo shirka Somaliya dhaqaalaha loogu aruurinayo.

Siciid-Raage


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373