Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Axmed Madoobe “Waa caafimaad qabaa, waxna ima gaarin xaaladeydana waa wanaagsan tahay”

$
0
0

Hogaamiyaha Maamulka Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada Kismaayo ayaa sheegay in xaaladiisa caafimaad ay wanaagsan tahay.

Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu ka bad baaday qarax la doonayay in lagu dilo, isagoo cadeeyay in aanay waxba gaarin, xaalkiisa caafimaadna uu wanaagsan yahay sida uu yiri.

“Waan caafimaad qabaa, waxba ima gaarin, waa qarax la doonayay in aniga la igu dilo”ayuu yiri Axmed Madoobe oo meesha ka saaray wararka la isla dhex marayay ee sheegayay inuu dhaawacmay.

Axmed madoobe ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxa lala eegtay, isagoo tacsi u dirayay dadkii ku geeriyooday qaraxii lala eegtay kolonyadiisa, isagoo u rajeeyay dadka dhaawaca ah inuu Alle caafimaad siiyo.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarkaas, waxaana war qoraal ah oo la soo dhigay barta Twitter-ka ku sheegtay in 7-sarkaal oo ka mid ah saraakiisha Axmed Madoobe iyo 10-kale ilaaladiisa ay ku dhinteen qaraxa, halka Axmed Madoobe dhaawac soo gaaray.

Qaraxii maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa ahaa kii ugu xooganaa magaalada ka dhaca, kaasoo ahaa mid loo adeegsaday baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lala eegtay kolonyada Axmed Madoobe oo ka yimid garoonka diyaaradaha Kismaayo, markii ay ka soo kicitimeen magaalada Muqdisho.

Ilaa 15-ruux oo isugu jiray dad rayid ah iyo ciidamo ayaa ku dhintay qaraxa, waxaana dhaawaca uu gaarayaa ku dhowaad sodomeeyo ruux oo u badan dad rayid ah oo gawaari BL saarnaa iyo kuwo wadada marayay.
axmed-madobe-ksimayo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Trending Articles