Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Ururka Nufjo oo kulan ku qabtay Magaalada Garoowe(Sawiro).

$
0
0
Fadhi looga hadlayay aasaska iyo waxyaabaha sanadka ay dhisan yihiin Ururka suxufiyiinta Gabdhaha Gobalka Nugaal ”NUFJO” u qabsoomay ayaa lagu qabtay hoolka shirarka Laybareeriga magalada Garowe,waxana kasoo qayb galay masuuliyiinta wasaaradda warfaafinta,ururka MAP,Relief international,PUNSAA iyo dadwayne kale oo lagu sharfay xaflada,waxana laga soo jeediyay khudbada kala duwan oo dhamaantood xanbaarsan dhamaal hambalyo iyo boggaadin ah.

Bilowgii kulanka Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Gabdhaa Marwo Faaduma Maxamad Maxamuud ayaa soo jeedisay khudbad ka hadlaysay muhiimada ururka loo dhisay iyo guulaha ay mustaqbalka dhow tiigsanayaan.

Faadumo ayaa hoosta ka xariiqday inay aad ugu faraxsan yihiin in maanta la xuso sanadka kowaad ee ururka waxayna sheegtay inay hiigsanayaan mustaqbalka dhow in la mideeyo gabdhaha wariyaasha ah ee ku nool Puntland iyo Somaliwayn,taasoo ay ku tilmaamtay inay waxbadan kusoo kordhin karaan kartida iyo awaada haweenka,Dowladda iyo hay’addaha kale ee caalamiga ah ayay ugu baaqday inay garab istaagaan ururka si loo gaaro yoolka ka tiigsanayo.

Gudoomiye ku xigeenka ururka suxufiyiinta Puntland ee MAP mudane Maxamd Daahir Yuusuf ”Saalim” ayaa balan qaaday inay ku dadaali doonan sidii xaquuqda haweenka suxufiyiinta ah loo dhowri lahaa,wuxuna sidoo kale rajo wanaagsan ka muujiyay himilooyinka ay haweenku tiigsanayaan.

Axmad Cawil oo ka socday hay’adda Relief international isla markasna saxaafada Somalida caawisa ayaa sheegay inay dadaal dheer ugu jiraan sidii loo horumarin lahaa saxaafada dalka,wuxuna soo dhaweeyay haweenka suxufiyiinta Gobalka Nugaal oo guul taariikhi ah u horseday suxufiyiinta kale ee Dumarka ah.

Ugu danbayntii wasiir ku xigeenka warfaafinta Puntland Mudane Maxamad Cabdilaahi Aswad ayaa balan qaaday inay garab taagnaan doonan suxufiyiinta haweenka Puntland,wuxuna sheegay inay tahay arrin si wayn loo sugayay in haweenka wariyaasha ah ay samaystaan ururo u gaar ah.wasiirku sidoo kale waxa uu aad usoo dhaweeyay howsha ay saxaafada Somalida shacabkooda u hayaan.

12_3
















Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles