Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Maraykanka oo mudo asbuuc ah u qabtay dowlada Syria soo wareejinta Hubka Kiimikada.

$
0
0

Xoghayaha arrimaha dibada ee dalka Maraykanka John Kerry ayaa mar uu shir jaraa’id kula qabanayay magaalada London maanta oo Isniin ah wasiirka arrimaha dibada ee Ingiriiska William Hague, waxa uu sheegay in xukuumada Bashar Al Assad ay u haysatto muddo asbuuc ah inay ku soo wareejiso kaydka kiimikada.

Kerry waxaa uu digniintan ku sheegay in hadii lagu guuleysto helitaanka hubka Kiimikada ah ee Bashar Al Assad ay sahlanaan doonto in Maraykanka laftigiisu ka fogaado talaabo military oo ka dhan ah xukuumada Dimishiq.

Isaga oo hadalkiisa sii wata Kerry waxa uu rajo xumo ka muujiyay in madaxweyne Assad uu u hogaansamo amarkan, waxaana uu carabka ku adkeeyay mar kale in aanu shaki kaga jirin sirdoonka iyo xukuumada Washington adeegsashada Kiimikada khatarta ah, taas oo la aaminsanyahay in ay bariga Dimishiq ku dishay in ka badan 1000 qof.

Xildhibaanadda Maraykanka ayaa la filaya in ay asbuucan u codeeyan, in Maraykanku weeraro Syria iyo in kale, hase yeeshe John Kerry waxa uu ka welwelsanyahay in madaxweyne Obama isticmaali doono awoodiisa xitaa hadii la ansixin waayo dagaal ka dhan ah Syria.

Xoghayaha arrimaha dibada ee Maraykanka Mr. Kerry ayaa u sidoo kale carabaabay in Bashar Al Asad, walaalkiisa Maher Al Asad iyo taliyaha guud ee ciidamadu si gaara u maamulan, ulana socdaan dhaq-dhaqaaqa hubka Kiimikada ah.

Ruushka oo codsi u jeediyay Syria

Sidoo kale dowlada Ruushka ayaa ka codsatay xukuumada Dimishiq inay hubkeeda soo bandhigto si loo burburiyo.

Wasiirka arrimaha dibada ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in Ruushku codsigan u gudbiyay wasiirka arrimaha dibada ee Syria Walid Muallem xili ay wada-hadalo ku yeesheen magaalada Moscow.

Lavrov waxa uu rajo ka muujiyay in dowlada Syria ay jawaab deg-deg ah ka bixin doonto codsiga Ruushka.

Dalka Ruushka ayaa ahaa taageeraha ugu weyn ee xukuumada Asad tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka sokeeye ee Syria labbo sano iyo bar ka hor.

Sidoo kale Ruushku wuxuu diiday saddex qaraar oo ka dhan ah Syria, kuwaas oo la soo hordhigay golaha amaanka, waxaana sidoo kale Moscow daadifaysay eedo ku saabsan in madaxweyne Assad hubka Kiimikada ah ku dilay 1429 qof, 21-kii bishii August ee aan soo dhaafnay.

John Kerry


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles