Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Hay’adda UNOPS ku dhawaaqday qandaraaska dhamaystirka Garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaaso.

$
0
0

Garoonka-Boosaaso-waa-qabyo-300x200Waxaa maanta hay’ada QM u qaabisaln qandarasyada “UNOPS” ku soo qortey bogeeda internet-ka ku ledahay qabdaraska lagu dhisayo garoonka diyaardaha Bosaso kaas oo ka dhigaya gagida diyaardaha caasumada ganacsiga Puntland mid laami ah.

Garoonkaan ayaa qandaraaska hay’ada UNOPS ku sheegtey in uu furaan doona ilaa iyo bisha Oct 7, 2013 halkaasoo isla dhamaadka bishaas lagu dhawaaqi doono shirkadi ku guuleysatey dhismaha garoonka caalamiga ah ee Bosaso.

Halkan ka Akhriso Qoraalka kasoo Baxay Hay’adda UNOPS.

Ku dhawaaqida qandaraskan ayaa waxaa uu yahay guul-weyn oo i soo hayatey guud ahaan shacabka Puntland gaar ahaan dowlada uu Madaxweynaha ka yahay mud. Cabdiraxman Farole taasoo geed dheer iyo mid gaaban u fuushey sidii loo heli lahaa garoomo diyaardeed oo Puntland yeelato.

Dowlada Talyaaniga ayaa ku deeqdey lacagta lagu dhisayo garoonkaan iyadoo la filayo in lacagaha qaybo kamid ah aadi doonaan garoomada diyaardaha Galkacayo iyo Garowe kuwaasoo dhowaan lagu dhawaqi doono.

Mashaariicda dhismayaasha ee dowlada Talyaaniga ugu deeqdey dowlada Puntland ayaa sidoo kale waxaa kamid ah idaacada iyo Talafishinka Puntland iyo kuwa kale.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles