Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow gaaray magaalada Jowhar ee Gobolka Shabellaha Dhexe, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay, kadib markii ay safar dhulka ah ku tageen.
Sida ay sheegayaan wararka Madaxweynaha ayaa waxaa afaafka hore ee magaalada uga hortagay Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka iyo dadweynaha magaalada, kuwaasoo taagnaa dhinacyada wadada.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa haatan ku sugan beer ku taal magaalada, halkaasoo la filayo inay ku qadeeyaan, isla markaana kulamo kula qaataan qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool gobolka iyo Mas’uuliyiinta Maamulka.
Beertan oo ku taal wabiga jiinkiisa ayaa horay waxaa loogu casuumay Ra’iisul Wasaaraha markii uu tagay Jowhar bishii April, waxaana la xilligan beertaas ka socota munaasad lagu soo dhoweynayo Madaxweynaha oo ay ka qeyb qaadanayaan kooxaha bar baarta gaashaaman.
Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo la dhigay wadooyinka ciidamo, goobaha ganacsiga ayaa la sheegay in albaabada loo laabay saakay, si dadweynaha uga qeyb qaataan diyaar garowga lagu soo dhoweynayo Madaxweynaha.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa barqanimadii maanta safar dhinaca dhulka ah uga amababaxay magaalada Muqdishor, kadib markii uu saakay ka soo kicitimay magaalada Beledweyn oo diyaarad ka soo qaaday.
Booqashada uu maanta ku gaaray Jowhar ayaa noqoneysa tii u horeysay Madaxweynuhu ku tago tan iyo markii 10-kii bishii September loo magacaabay xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana uu sii maray degmada Balcad oo Jowhar u jirta ilaa 60-KM.










