Dowladda Puntland ayaa sheegtay inaysan aqoonsaneyn qodobadii ka soo baxay shirkii dhowaan Muqdisho lagu soo gabogabeeyay kaasi oo Xukuumadda DF ugu magac dartay shirka aayaha Somalia oo ay markii hore Puntland qaadacday.
Wasiirka warfaafinta Puntland Axmad Shiikh Jaamac oo shir ku qabtay magaalada Garowe ayaa DF ee fadhigeedu Muqdisho yahay ku eedeeyay inaan haba yaraatee lagu dhiiran sidii wax looga qaban lahaa hantida shacabka oo mudo 22-sano ah si xoog ah loogu haysto magalada Muqdisho,wuxuna sheegay in arintaasi ay dowladu ka war wareegayso isla markaasina aan loo baahnayn in guddi loo saaro.
Sidoo kale Axmad Shiikh Jaamac Dowlada Somalia waxa uu ku tilmaamay dadka hogaaminaya inay yihiin kuwi hantida dowlada u beec geeyay dibada,islamarkaasina ku gor gortamay iibinta biyaha Somalia,wuxuna sheegay masuuliyiintaasi inaysan u dhigmin kuwo dalka hogaamin kara.
Dhanka kale Wasiiru dowlaha dekeddaha iyo gaadiidka badda Cabdishukur Mire ayaa nasiib darro ku tilmaamay hor istaagidii DF ardey 400 gaareysa oo deeqo waxbarasho ka heshay dalka Sudan.
Xasan Shiikh Maxamuud waxa uu sheegay in wadahadal uu la galayo Puntland si meesha looga saaro khilaafka, waxana madaxweyne Farole isna shardi uga dhigay wadahadal bilaabma inla soo cesho dastuurki la badalay.