Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Nabadoon Xaad oo heshiiskii Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Jubba Kasoo Horjeestay.

$
0
0
Maxamed Xasan Xaad oo kamid ah odayaasha Muqdisho ayaa siwayn uga soo horka jeestay Hashiiski ay Adis Ababa kuwada gaaren DF Somaliya iyo Maamulka Jubba.
Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa hashiiskaasi ku tilmaamay in uu yahay mid sharaf dhac ku ah in Axmed Madoobe iyo dowlada soomaliya ay yiraahdaan hashiis baanu gaarnay.
Hashiiskaa ayuu Nabadoonku ku tilmaamay Mid Hurin kara dagaalo markale kadhaca Kismaayo oo uu sheegay in ay ku sugan yihiin dhinacyo is khilaafsan.”Shirkii adis ababa anagu waxaanu u aragnaa mid dhibaato keeni kara maxaa yeelay markii horaba Ethopia in xal loo aada soomaliya waxa ay kutahay Karaamo daro”Ayuu yiri  Maxamed Xasan Xaad.

Go,aankaasi mid laqaadan karo maahan sida aan u arko anigu waxaana u arkaa in soomaliya uusan dan u ahayn balse cidkale dan uyahay waxay ilatahay umada soomaliyeedna in meel kudhac ay kutahay dowlada laftigeedana talaabo aan habooneen ayay qaaday”Ayuu Raaciyay Nabadoon Xaad.

Hadalkaani kasoo baxay Mudane. Xaad ayaa imanaya xili dhawaan Dalka Ethopia ay hashiis ku gaaren Madax kasocatay Maamulka Jubbooyinka Iyo DF Somaliya.

XAAD-620x330


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369