Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Adis Ababa:Wararkii Ugu Dameeyey ee Wada hadaladii u dhexeeyey DF iyo Maamulka Jubbaland.

$
0
0

Wadahadaladii u dhaxeeyay DFS iyo maamulka Jubaland ayaa wali waxay ka socdaan magaalada Addis Ababa.Ilo xog ogaal ah oo aan goor dhaweyd kala xidhiidhnay magaalada Addis Ababa ayaa noo xaqiijiyay in wali isjiid jiid iyo dood adag ay jirto.

Qodobada maanta shirka hadheeyay ee aan wali heshiis laga gaadhin ayaa ah laba qodob.
Qodob waa yaa xaq uleh dhameystirka maamulka inta ka dhiman iyo qodobka labaad oo ah maxaa loogu yeedhayaa ninka usareeya maamulka sadaxda gobol.

Qodobka hore, wafdiga dowlada federaalku waxay soo jeediyeen in maamulka inta ka dhiman si wadajir ah loo soo magacaabo halka wafdiga Jubaland ay arintaas diidanyihiin oo waxayna ku dhaganyihiin in magacaabistu ay iyagu xaq uleeyihiin laakiin ay wadatashi kala sameyn karaan DF.

Qodobka labaad ee wali lagu muransayahay waa magaca loogu yeedhayo ama uu qaadanayo masuulka ugu sareeya maamulka, ma madaxweyne ayaa la dhihi mise gofanar(governor).Wafdiga ka socda dhanka DF waxay diidanyihiin in magaca madaxweyne la isticmaalo.Labadan qodob ayaa ugu muhiimsan waxa hada la isku hayo.

Wafuudii hada nasasho iyo wadatashi ayay ku kala maqan yihiin, waxayna dib isugu soo laaban doonaan 09:30 habeenimo ee caawa saacada geeska Africa.

Waxaa jira culays saaran labada dhinac oo aad ugu cadaadinaya in heshiis la gaadho.Hadii kulanka caawa lagu heshiin waayo bari subax ayaa dib la isugu soo laaban doonaa.

Dhanaan Media markii ay ilo wareedyadeeda iyo kuwa khaaska ah ee ku sugan Addis Ababa su’aalo badan weydiisay waxaa usoo baxay labadan qodob:

1) In dowladu ay diidantahay in maamulka sadaxda gobol loogu yeedho maamul goboleed.Tusaale inaan la dhihin maamul goboleedka Jubaland state balse taas badalkeeda la yidhaahdo maamulada Jubooyinka iyo Gedo.

Waxaana cad in wafdiga dowladu ay diideen in magacyada ‘‘Jubaland’’ ‘‘State’’ ‘‘maamul goboleed’’ intuba la isticmaalo balse maamulka loogu yeedho maamulada Jubooyinka iyo Gedo,waxayna ubadantahay in arintu sidaas ku socoto sababtoo ah waxaa naloo sheegay in wafdiga Jubland qodobkan aysan culays ama muhiim u arag.

2) In maamulka ‘‘Jubaland’’ uu soo dhisi doono xildhibaanada iyo golaha wasiirada balse ay kala tashan doonaan DF si loogu dhawaaqo.Qodobkan waa qodob wali lagu muransanyahay.

Xubnaha wafdiga Jubaland waxay ku adkaysanayaan in magacaabista qeybaha ka dhiman maamulka iyagu leeyihiin,waxayna ku doodayaan in dowladu hadii ay doonayso in maamulada ay magacowdo waa in baarlamaanka dib loo fadhiisiyaa oo federaalisimka laga saaro dastuurka.Hadii aysan taas dhacaynin, dowladu waa federaal magacaabista maamul goboleedyadana waxaa iska leh madaxda iyo baarlamaanka maamul goboleedyada.

In labada dhinac heshiis buuxa gaadhaan waxaa hada hortaagan waa labadan qodob oo kala ah,magaca sharciyan loogu yeedhayo ama uu qaadan doono masuulka ugu sareeya ‘‘maamul goboleedka’’ iyo yaa xaq uleh magacaabista iyo soo xulida maamulka qeybaha ka dhiman, waxayna ubadantahay in culaysyada jira dartood meel dhexe la isugu keeni doono.

115


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles