Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Tarsan oo Weerar Afka ah ku qaaday Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Ingiriiska(Dhegayso).

$
0
0

mqdefaultGudoomiyaha Gobalka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa waxaa uu weerar afka ah ku qaaday Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ingiriiska asagoona ku dhsheegay kuwa aan waligood shaqeysan oo ku nool lacagta ceyrta ah islamarkaana aan gurigooda ka adkeyn.

Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo dhawaantaan la hadlaayey shacab isugu soo baxay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in qaar ka mid Soomaalida ku nool dalka Ingiriiska oo sheegta inay yihiin Siyaasiyiin Soomaaliyeed ay yihiin kuwo ku nool lacagta ceyrta ah ee laga qaato dalkaas Ingiriiska islamarkaana aan wax war u ahayn qoyskooda, Siyaasiyiintaan ayauu waxaa uu ku sheegay gudoomiye Tarsan ku sheegay inay maalintii oo dhan ay hurdaan habaeenkiina ay ku soo jeedaan cunitaanka qaadka xilli ay haweenkoodu la dhiban yihiin maareynta caruurta iyo arimaha guriga.

Ugu dambeyntiina iyadoo Duqa magaalada Muqdisho Tarsan uu eedeyntaas u soo jeediyey siyaasiyiinta Soomaalida ee ku nool dalka Ingiriiska ayaa waxaa sidoo kale uu ka hadlay telefishinada Soomaaliyeed ee ku yaala dalka Ingiriiska asagoona ku sheegay inay yihiin kuwo maalaayacni ah islamarkaana aan wax aqoon iyo xirfad ah aan u lahayn shaqadooda, wariyayaasha ka howl gala telefishinadaas ayuu gudoomiyihu ku sheegay kuwa aan xataa aqoon u lahyn habka wax loo wareysto asagoona kula taliyey telefishinadaas Soomaaliyeed inay ku daydaan oo ay daawadaan telefishinka Aljaziira oo ayna wax ka kororsadaan telefishinkaas gaar ahaana ay ka bartaan habka loo qaado wareysiyada.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles