Madaxweyne yaasha Jubaland iyo Dowlad Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa go’aan is afgarad ah ka gaaray aqoonsiga Dowlada goboleedka Jubaland ka dib Kulan maanta ku dhexmaray gudaha Magaalada Caasimada u ah dalkaasi Itoobiya ee Addisa ababa.
Ilo wareedyo la isku haleyn karo islamarkaana ku suganaa halka uu ka dhacayay shirka labada madaxweyne ayaa xaqiijinaya warkan, waxaana ay faah faahin ku bixinayaan in labada dhinac ay isku tanaasulaad ka sameeyeen qodobo horyaalay.
Maamul goboleedka Jubaland ayaa ayay u aqoonsatay dowlada Federaalka 3da gobol ee lagu heshiiyay islamarkaana ay madaxweyne ugu doorteen beelaha wada dega sedaxdaas gobol axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.
Inkastoo aan si faah faahisan loo xaqiijin karin qodobada rasmiga ah ee heshiiska lagu kala sixiixday ayaa hadana warar hor u dhaca ah ay xaqiijinayaan in is afgarad weyn laga gaaray siyaasad xumadii ka dhexjirtay labada dhinac.
Wafdigii uu hogaaminayay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulanka ka dib ka amaba baxay Magaalada Addis ababa iyagoo dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho caasimada dalka.
Is afgaradka dhexxmaray labada dhinac waa dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Jubaland ayaa meesha ka saari doona Hadal heynta siyaasada Jubaland maadaama dowlada federaalka noqotay mid aqoonsata una sixiixda heshiis maamulkii ay dhisteen Umada Reer Jubaland.