Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Shiikh Maxamed Farole ayaa maanta booqashoku tagay xaruntawasaarada caafimaadka ee Puntland.
Wasiirka caafimaadka Dr.Cali Cabdulaahi Warsame ayaa madaxweynaha uga waramay
hawsha wasaaradu halka ay mareyso iyo ololaha Talaalka Dabaysha qaabka uu uga socdo deegaanada Puntland.
Kulan uu la yeeshay bahda caafimaadka Dr.Farole ayaa lagu falan-qeeyay saamaynta ka bixitaanka
MSF Somalia ay ku leedahay xarumihii ay gacanta ku haysay, iyadoona laga tashaday qaabkii loo
maareyn lahaa gargaarka bini’aadanimo iyo weliba gaarsiinta adeegyada caafimaad guud ahaan
deegaanada Puntland.
Warbixin ayuu ka dhageystay madaxweynuhu agaasinka qorshaynta ee wasaarada Dr.Cabdirisaaq
Xasan Ciise oo ku saabsan xiriirka wasaaradu la leedahay hayadaha caalamiga ah iyo dadaalka ay
ugu jiraan sidii ay u dabooli lahaayeen baahiyaha caafimaad ee Puntland.
Madaxweynaha oo ay wehelinayeen saraakiisha madaxtoyada ayaa kormeeray xarun cusub oo
laga dhisayo wasaarada, iyagoona sidoo kale tagay shir ka socday isla xarunta oo looga hadlayay
isku xirka hawlaha caafimaad ayna ka qaybgalayeen wasaarada, hayadaha caalamiga ah iyo saraakiisha
caafimaadka degmooyinka.
Dhanka kale waxa uu kormeer ku tagay madaxweynuhu taliska Ciidanka Kumaandooska Puntland ee
Ligle iyo xarunta warbaahinta oo uu wax ka waydiiyay sida ay u socoto shaqada Telefishinka iyo Idaacada.
![IMG_6372]()
|