Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

G.Gobolka Banaadir”“Qaraxyada lagu hayo Baaleyaasha cadceeda ku shaqeeya Al-shabaab kama dambeyso”

$
0
0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa sheegay qaar ka mid ah falalka amni daro ee ka dhaca magaalada Muqdisho aysan ka dambeynin Al-Shabaab.

Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa intaa ku daray in falalka amaan daro ay ku lug leeyihiin siyaasiyiin iyo shaqsiyaad uusan magacyadooda sheegin kuwaasoo uu xusay iney leeyihiin dano gaar ah.

“Tusaale waxaa idinkugu filan dadka qarxinaya baaleyaasha nalalka ku shaqeeya cadceeda ee jidadka Muqdisho qaarkood ku dhegan anigu waxaan qabaa ineysan Al-shabaab aheyn balse ay ka dambeeyaan shaqsiyaad dano gaar ah leh” ayuu intaa ku daray Tarsan.

Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale ku eedeeyey Wasaaradda Maaliyada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya inay degantahay Madaxtooyada iyo guryo kiro ah iyadoo ay burbursan yihiin Xafiisayadii loogu talagalay inay Wasaaradda ka howlgasho taasoo uu sheegay iney tahay wax lala yaabo.

ttarsan.large


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles