Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Shiikh Maxamed Farole ayaa maanta
ka qaybgalay shir looga hadlayay xawilaada lacagaha oo sidii loola socon lahaa inaan
loo adeegsan falal danbiyeedyo.
Halkan ka Dhegayso Khudbadihii Masuuliyiinta.
Hayadaha UN-ka u qaabilsan la-dagaalanka Mukhaaraadka iyo Danbiyada ee UNODC
ayaa soo qaban qaabisay oo kaashaneysa Bangiga Aduunka.waxana ka soo qaybgalay,
ku xigeenka gudoonka Barlamanka, wasiiro ka tirsan Puntland, shirkadaha xawilaadaha
lacagta iyo kuwa Isgaarsiinta.
Taliska ciidanka Asluubta ayuu ka dhacay shirkan soconaya muddo saddex maalmood ah,
waxana u jeedkiisa sharxay agaasimaha la-dagaalanka burcad badeeda Puntland
Cabdirisaaq Maxamed Axmed.
Madaxweyne Farole ayaa furitaankii akhriyay khudbad dheer oo uu kaga
hadlay bilowgii asaaskii nidaamka lacagaha Somalia la iskugu xawilo ilaa heerka
haatan shirkadaha isgaarsiintu soo saareen qaabka casriga ah ee lacagaha mobilka la iskugu diro.
Horumarka dhaqaale ee dalka ayuu ku sheegay inay shirkadaha sida gaarka ah loo
leeyahay ay ka qayb qaateen.
Dhanka xawilaadaha lacagta ayuu ku tilmaamay madaxweynuhu kuwo ay ku tiirsantahay
nolosha boqolaal kun oo qoys Somalia, islamarkaasina xiritaankoodu ay ku noqoneyso cunaqabatayn
Somalia, isagoona baaq u direy bangiyada aduunka inay dib uga laabtaan go’aanka ay
ku xayirayaan lacagaha Somalia.
Dhibaatada shilinka Somaliga ayuu sidoo kale Dr.Farole ka hadlay oo sababay in hoos u
dhaca ku yimid maadaama suuqyada ay ku yaraadeen iyo weliba qorshaha lacag
cusub dalka loogu keenayo.
Ka dib shirkaasi ayaa madaxweynuhu booqday xabsiga magaalada Garowe oo ay
ka socoto shaqada dhismuhu, isagoo ay wehelinayeen taliyaha Asluubta
Gen.Cali Nuur iyo Cabdirisaaq Maxamed Jaamac oo wakiil ka ah
Puntland hayada UNODC oo hawsha wada.