Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Mucaaradka Puntland oo Dhaliilay Go’aankii ay Puntland dib ugu Celisey Markabkii Sidey Deeqdii ka Timid Dalka Turkiga.

$
0
0
Iyadoo shalay dowladda Puntland ay dekedda magaalada Boosaaso ka celisey markab sidey deeq raashin ah oo ka timid hay’adda Bisha Cas ee Turkiga, taas oo ku socotey qaar kamid ah degmooyinka Puntland iyo gobollada dhexe ee dalka, ayaa waxaa arintaas siyaabo kala duwan u fasiray siyaasiyiinta mucaaradka ah ee dhaliila xukuumadda Madaxweyne C/raxmaan Maxamed Faroole.
 
Gudoomiye ku-xigeenka Golaha Samatabixinta Puntland Eng. C/risaaq Xuseen Gacayte oo maanta war-fidiyeenka kula hadlay xafiiskiisa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa go’aanka ay Puntland qaadatay ku tilmaamay mid aan laga fiirsan.
 
Gen. Gacayte ayaa sheegay in aysan habooney in dib loo celiyo deeq ku socotey dad tabaaleysan, islamarkaana aad ugu baahan kaalmo bini aadminimo. Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu intaas raaciyey in xilligan ay dalka ka jiraan abaaro, dhibaatooyin dhaqaale iyo shaqo la’aan baahsan.
 
” Go’aanka uu maamulka Garoowe qaatay waxaan u aragnaa mid aan laga fiirsan, waana ishortaag lagu sameeyey kaalmo bini aadminimo. Ma ahayn in raashinkaas dib loo celiyo. Waa run Puntland waa muumul madax banaan balse waxaa habooneyd in markaba la dejiyo markaas kadibna digniin laga soo saaro” Wasiirki hore ee Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Puntland Eng. Gacayte ayaa yiri.
Ugu danbeyntii wuxuu tilmaamay in maamulka Puntland uu deeqdan raashinka ah siyaasad ku saleeyey isagoo ka shidaal qaadanaya khilaafka soo kala dhex galay iyaga iyo dowladda Muqdisho, arintaasoo uu sheegay in ay tahay mid mas’uuliyad darro ah.
 
Deeqda raashinka ah ee laga celiyey dekedda magaalada Boosaaso ayaa isugu jirtey 40,000 oo kiish oo Bariis, Sonkor iyo Bur ah. Sidoo kale waxaa ku jirey 10,000 oo kartoon oo buskud iyo nafaqooyin kale ah, waxaana xusid mudan in deeqdan raashinka ah qayb kamid ahi ay ku wajahneyd gobollada dhexe ee dalka.
Eng Abdirasak Hussein Gaite

Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles