Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Madaxda dowladda Soomaaliya oo kumanaan ruux Salaada Ciida kula dukaday masaajidka Isbaheysiga(Sawiro).

$
0
0

Madaxda ugu sareysa dalka ayaa maanta salaadii ciida boqolaal dadweyne kula dukaday Masaajidka Isbaheysiga, iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud khudbad uu ka jeediyay masaajidka ugu baaqay shacabka inay is cafiyaan.

Madaxweynaha Soomaaliya, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaraha, Golaha wasiirada, Xildhibaano iyo kumanaan ruux ayaa salaada ciida ku ooga Masaajidka Isbaheysiga, waxaana aad loo adkeeyay ammaanka.

Ciidamada dowladda oo ay wehliyeen AMISOM ayaa ku sugnaa hareeraha Masaajidka, iyagoo dadka galayay Masaajidka ay baarayeen, waxaa qeybo ka mid ah masaajidka ku dukanayay haween fara badan oo ka kala yimid degmooyinka.

Ugu horeeyn madaxweynaha soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyay ummadda soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan munaasabadda ciida,isagoo u rajeeyay in uu ilaah siiyo fadligii bishii ramadaan oo ay soo soomeen,kana aqbalo saakaatul fidrigii saaka ay bixiyeen dadka muslimiinta ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hada xaalada dalka soomaaliya uu marayo ay tahay mid ka wanaagsan xaaladihii uu dalka soo maray,laakiin wali uu safarka dheeryahay wadadana ay wali dhib badantahay.

“Waxaan u baahanahay fursad dheer iyo waqti aan ku marno wadadaa dhibka badan,fursadaas waxa ay u baahantahay dulqaad iyo samir” ayuu yiri madaxweynaha

Madaxweynaha ayaa khudabiisa ku soo hadal qaaday kooxda argagaxisada ah ee Al-shabaab waxana uu ugu baaqay kuwa soomaalida ah ee ku jira Al-shabaab inaysan lahayn ummad aan ahayn ummaddan soomaalida ah iyo diin aan lahayn diinta xaniifka ah ee islaamka sidaa darteedna ay ka soo laabtaan howsha ay faraha kula jiraan.una soo noqdaan ummadooda soomaalida ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhawaan gudaha dalka lagu qaban doono shir looga hadlayo ammaanka dalka,loona baahanyahay in laga wada qeyb qaata ammaanka dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale khudbadii uu ka jeediyay masjidka isbaheeysiga arrimaha jubboyinka,isagoo sheegay in gobollada jubbooyinka ay ka mid yihiin gobollada 18da ah ee ku qoran dastuurka soomaaliya,ayna kheyraadka ay leeyihiin qaar ka mid ah wadamada soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in gobolladaasi ay wada degaan qabaa’il soomaaliyeed haba ku kala badnaadeene hana ku kala horeeyaan degitaanka gobolladaasi.

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa sheegay in mushkiladda ka taagan gobollada jubbooyinka ay tahay side loo yeelanayaan talada gobolladaasi,taladuna ay ka wada dhaxeeyso dadka wada dega gobolladaasi.

Madaxweynaha ayaa sheegay sheegay in dowlada soomaaliya ay qabaneeyso shir dib u heshiisiin ah oo u furan cid kasta oo aysan jirin qof loo diidayo.

Madaxweynaha soomaaliya ayaa sheegay in dowlada ay dalka ka tahay dowlada sidaasna ay ku heshiiyeen dadka soomaaliya ah oo ay na soo doorteen oo aysan ku imaan qoroy caaradiis iyo magaca reer hebel.

Madaxweynaha ayaa sheegay in waqti xadidan ay haaystaan inta waqtigaasi lagu guda jirana ay qaban doonaan wax alle wixii ay qaban karaan marka uu dhamaadana ay booska baneeyn doonaan,isagoo shacabka soomaaliyeedna weeydiistay in ay gacan siiyaan.

Madaxweynaha soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisulwasaaraha xukuumada soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa markii ay salaada ciida ku tukadeen masjidka isbaheeysiga ayaa waxa ay xarunta madaxtooyada ay kulan hambalyo ah kula qaateen qaar ka mid ah golaha wasiirada,xildhibaano iyo marti sharaf kale.

Mas’uuliyiinta dowlada ayaa mid mid u gacan qaaday mas’uuliyiintii dowlada iyo dadweeynihii kulankaasi hambalyada ah ka qeyb galay.

ciid4

ciid2ciid3ciid5ciid6ciid7ciid8ciid9


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Latest Images

Trending Articles