Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Madaxda Dowlada Soomaaliya oo isku Khilaafsan xubnaha ka mid noqonaya Golaha Wasiirada ee lasoo Magacaabi Doono.

$
0
0

madaxda-dalka2Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa isku Khilaafsan Xubnaha ka Mid Noqonaya Golaha Wasiirada ee dhowaantan la Damacsanyahay in qaarna la isku shaandheeyo qaarna Cusub na la keeno.

Iyadoo maalmihii u dambeeyay la hadal hayay is bedelka Xukuumada Soomaaliya iyo in maalmaha soo socda lagu dhawaaqayo ayaa waxaa soo baxaya kala aragti duwanaan madaxda dowladda ah, taasoo dib u dhac ku keeni karta waqtigii la filayay in lagu shaaciyo Golaha Xukuumada.

Warar qaar ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ay isku qabsadeen xubnaha Golaha wasiirada, kadib markii lagu kala aragti duwanaaday shaqsiyaad la soo xulay.

Arrintan oo soo shaac baxday maalinkii shalay ayaa la sheegay inay ka dambeysay markii liiska Golaha Wasiirada uu ku soo daray Madaxweynaha wiil uu Adeer u yahay Gudoomiyihii hore Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, taasoo uu ka biya diidan yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari.

Wararka ayaa sheegaya in liiska oo markii hore dhameystirnaa laga yaabo in wax laga bedelo, hadii madaxda dowladda ay isku afgaran waayaan sida markii hore wax loo qoondeeyay, waxaana loo badinaya in markii hore ay wax ka socdeen kaliya hal dhinac.

Sidoo kale arrinta kale ee la isku haayo ayaa waxaa ka mid ah Wasiiro dhinaca Madaxweynaha ka imaanayay iyo kuwii Ra’iisul Wasaaraha dhinaciisa ahaa oo la badalay, taasna waxaa la leeyahay waxay dhinac kale ka furtay kala duwanaanshaha markii hore kaliya ku simanaa Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, hase ahaatee Ra’iisul Wasaaruhu hurdada ka soo toosay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in C/xakiin Fiqi iyo Ciilmooge oo aad ugu dhow Ra’iisul Wasaare Saacid uu markii hore qorshaha is bedelka ay qeyb ka ahaayeen, balse Ra’iisul Wasaare Saacid uu diidan yahay, waxaase ay kaliya u badan tahay hadii xaalka daba dheeraado in Mr Saacid ku adkeysto C/xakiin Fiqi.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari ayaa la sheegay in maalinta Arbacado doonayo inuu baarlamaanka fasax u diro muddo bil ah, iyadoo Madaxweynaha horay ugu dalbaday in muddo todobaad ay shaqeeyaan, si Xukuumada loogu dhawaaqo, deetana loo horkeeno todobaadkaas.

Arrimahan ka soo if baxay madaxda dowladda ayaa laga yaabaa inay dib u sii dhigto is bedelkii Xukuumada oo indhawaalaba aad loo dhowrayay, iyadoo laga yaabo inay gaarto bisha September, xilligaasoo Baarlamaanka ka soo laabanayo fasax bil ah.

Inkastoo kala aragti duwanaanshaha aysan gaarsiin heer ay ku kala tagaan, ayaa hadana madaxda dowladda waxay wali yihiin kuwo isu dhow, isla markaana ay ka leeyihiin kulamo gaar gaar ah, si arrimaha la isku haayo la isaga soo dhowaado.

Dadka falanqeeya siyaasada ayaa sheegaya in is bedelka Xukuumadan uu ka duwanaan doono sidii horay lagu magacaabay Golaha Wasiirada bishii November ee sanadkii hore, kaasoo ahaa mid hal dhinac ka yimid Wasiirada ka mid noqday Xukuumada.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles