Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland oo dhalinta ku Booriyey inay ka Mid Noqdaan Baarlamaanka Cusub(Cod+Sawiro).

$
0
0

Wasiirka shaqada, iyo shaqaalaha ,dhlinyarada iyo ciyaaraha Puntland C/Weli Xirsi Cabdulle (Indho guran)  ayaa dhalinyarada reer Puntland ku booriyay inay u tartamaan ka mid Noqoshada  xubnaha Baarlamaanka cusub ee ka dambeeya midka haatan jira.

Isagoo ka hadlayay kulan maanta wasaaraddiisu u qabtay Raxan dhallinyaro ah oo ka arinsanayay dhismaha dallada dhallinyarada Puntland ayuu sheegay in dhallinyaradu ay buuxin karaan fursadaha Baarlamaanka imaanaya.

Indho-Guran ayaa balanqadaay inuu gacan geysanayo gabadhii ama wiilkii iskusoo sharaxa xubinimo barlamaana.

Wuxuu sheegay haddii dhallinyarada kamid noqdaan barlamaanka soo socda  inay dhallinyarada kale helayaan qareen iyo cid udooda xuquuqda dhallinyarada taasina ay yareeynayso dhibaatoyinka xilligaan dhalinyarada haysta.

Isku soo wada Duubo Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo  Shaqaalaha Puntland ayaa waxa la oran karaa Wasiir Waajibkiisii gutey una hagar baxay Umaddii xilka u dhiibatay.

Halkan ka Dhegayo Khudbada Wasiirka W.Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland.

26

1 3 4

 

Raadreeb+Daawadnews.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles