Waxa isa soo taraya cabashada dadweynaha ee ku aadan amaan daridda ka jirta Muqdisho ,iyadoo ay gaartay in Madaxwayne Xasan Shiikh loogu baaqo is-casilaad.
Suxufiyiin ayaa makrafoonka la soo dhaxmaray qaar ka mida dadweynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho oo ka cabanaya amni darro waayadan danbe si xawli ah u soo kordhaysay.
Halkan ka Dhegayso Codadka Shacabka Muqdisho ku Dhaqan.
Khadiijo Xuseen Ugaas oo ka mida dadweynahan ayaa sheegtay inaan la dhaafin bulshada indheer-garadkeeda ka dib markii la dilay wariyaashii ,haweenkii, aqoonyahankii ,islamarkaasina ay ku fashilantay xukuumadda inay wax ka qabato dilalka iyo qaraxyada ka dhacaya magaalada.
Waxay ugu baaqday Xasan Shiikh Maxamuud inuu iska-casilo madaxweynaha.
Dhanka kale Daahir Ciiro oo horey xildhibaan uga ahaa DFKMG ahayd ayaa xukuumadda DF ku tilmaamay mid ku fashilantay hawshii loo igmaday.
Daahir waxa uu xusay warbixintii dhowaan ka soo baxday guddiga dabagalka Qaramada Midoobay oo sheegtay inay laaluush uu jiray xiligii doorashada madaxtinimo DF Sep,2012.
Ka sokow Amni daradda Muqdisho waxa dadku ku edeeyaan DF inay ka danbayso dagaalo ka dhacay Shabeelaha Hoose iyo kuwii Kismayo dhamaadkii June iyana ka dhacay ,xili loo baahnaa inay isku keento Somalida oo dib u heshiisin u furto dhinacyada is haya.