Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Madaxweynaha Puntland oo CabdiShakuur Mire Aadan u magacaabay wasiirudowlada Dekedaha.

$
0
0

21nov08Madaxweynaha dowladda Puntland CabdiRaxman Maxamed Faroole ayaa maanta wasiiru dawlaha wasaaradda dekedaha,gadiidka badda iyo la dagaalanka burcad badeedka u magacaabay Cabdi Shakuur Mire aadan oo xukuumadan ka soo qabtay wasiir ku xigeen dhawr wasaaradood.

Mudane Cabdishakuur ayaa warqada kasoo baxday xafiiska Farole lagu sheegay inuu maanta ka dib yahay wasiiru dowlaha wasarada dekadaha,gaadiidka badda iyo la-dagalanka burcad badeedka,magacabistiisa ayaa sida ku xusan lagu sababeeyay aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo.

Xilkan wasiiru dawlaha ayaa xukuumadda lagu soo kordhiyey waxaana Cabdi Shakuur Mire uu isla wasaaraddan ka ahaa wasiir ku xigeen inta aan maanta xilkan cusub loo magacaabin.

Cabdi Shakuur Mir ayaa 10 sano la soo dhaafay xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii hore iyo xukuumadan waana qoraa soo saaray buugag badan arrimo kala gadisan ku saabsan.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles