Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Afhayeenka Maamulka Jubbaland oo ka hadlay Xaalada Amaan ee magaalada Kismaayo(Dhegayso).

$
0
0

cabdi-naasir-seeraarAfhayeenka maamulka Jubaland Cabdinaasir Seeraar ayaa ka hadlay xaalada amaan ee magaalada Kismayo ka dib hawlgalo ay maalmihii la soo dhaafay ciidanku ka sameeyeen halkaasi.

Afhayeenka oo caawa Radio Garowe u waramay ayaa sheegay inay shan maalmood hawlgal socday ku soo qabteen dad badan oo lala xiriirinayo amni darro iskugu jirana tuugada magaalada ,askar dhibaataysay shacabka iyo rag Al-shabaab ka tirsan.

Halkan ka Dhegayso Waraysiga Maamulk Jubbaland.

”Si fiican ayaa amniga wax looga qabtay ,waanuna ku guulaysanay hawgalkii aan qaadnay” ayuu yiri Seeraar.

Miinooyinka lagu weeraray ciidanka AMISOM bishan gudaheeda ayuu ku edeeyay Al-shabaab inay ka danbaysay iyo rag uu Barre Hiraale hogaaminayay oo banaanka loo saaray.

Waxa wax laga waydiiyay Seeraar wafdi ka socday UN-ka qaybta gargaarka bini’aadanimo oo dhowaan tagay Kismayo ,waxana uu sheegay inay indhahooda ku soo arkeen xaalada nololeed ee ka jira magaalada.

Deeqaha caalamiga ah ee Somalia loogu talogalay ayaa afhayeenku tilmaamay inaysan Muqdisho soo dhaafin islamarkaasina u gudbiyeen UN-ka baahiyaha arrimaha bulshada ee maamulkiisu tabanayo.

Afhayeenka Jubaland waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay inuu natiijo fiican ku soo dhamaado wadahadalka u dhaxeeya DF Somalia iyo Jubaland oo shirarkoodu Addis Ababa iyo Nairobi ka dhaceen.

Dhinaca kale Cabdinaasir Seeraar ayaa ku sifeeyay khatar ku soo wajahan Wasiirka kowaad ee DF Somalia RW Saacid oo uu ku sheegay mid u adeegsanaya kursiga uu ku fadhiyo majaxaabinta Jubaland.

15 May,2013 ayaa loo doortay Shiikh Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubaland ka dib shirweyne ay ka qaybgashay duubabka dhaqanka ugu caansan beelaha dega Jubooyinka iyo Gedo.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles