Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole ayaa sheegay inay uga qaybgalayaan shirka New-Deal ee Brussels ka furmaya 16 Sep,2013 magaca Puntland .
Hadalkan ayuu shaaciyay Dr.Farole ka dib kulan uu la qaatay wafdi heer sare ah oo ka socda Midowga Yurub uuna hogaaminayay Agaasimaha guud Afrika ee EU Nick Westcott.
Halkan ka Dhegayso Warsaxaafadeedkii Madaxweynaha iyo Wafdigii Garoowe Booqday.
”Puntland diyaar bay u tahay inay ka qaybgasho shirka New-Deal laakiin magaceeda ayay uga qaybgalaysaa” ayuu yiri Farole.
Wafdiga ayaa Garowe u yimid sidii ay wadatashi ku aadan shirka New-Deal u samayn lahaayeen ,waxana EU ay qorshaynaysaa in dib u dhisto dalalka ka soo kabanaya colaadaha iyo dagaalada sokeeye ayna ka mid tahay Somalia.
Madaxweyne Farole waxa uu sheegay in Somalia ay ka jirto baahi wayn oo u baahan tageero caalami ah sida dhismaha kaabayaashaa dhaqalaaha iyo horumarinta adeegyada bulshada oo caafimaadka iyo waxbarashadu hormuud ka yihiin.
Xasan Shiikh Maxamud ayaa GO ilo u sheegen in EU cadaadis ku saartay kaalinta Puntland iyo Somaliland ee shirka ka dhacaya Belgium ,waxana uu uga dhawaaqay shirkii shalay Muqdisho uu wafdiga kula kulmay.
Dhankiisa ayaa Nick Westcott waxa uu tilmaamay inay ka wada hadleen Puntland mashaariicda horumarineed ,amaanka iyo tababarka ciidamada ,baahida ay soo gudbisteen iyo inay shirka uga qaybgalaan wafdiga Somalia.
Sidoo kale geedi socodkii Dimoqraadiyada Puntland ee hakadka galay ayaa laga wada hadlay ,waxana EU sheegtay inay sii wadi doonto taageerida nidaamka xisbiyada oo Puntland ku edaysay qaswadayaal inay gacana ka geesteen joojinteeda.
Shirka ka dhacaya Belgium ayaa ilo wareedyo lagu kalsoonyahay u xaqiijiyeen Garowe Online inuu madaxweyne Xasan Shiikh qorshaynayo fidinta casumaadyo gudoomiyaal gobolo sida Hiiraan ,Bay ,Bakool ,Shabeelaha Hoose ,Mareeg ,Ximan iyo Xeeb si uu ugu muujiyo qaab maamulo dalka ka jira.
Wafdigan ayaa ka soo duulay Hargeysa saakay ,waxana duhurnimadii maanta ay dib Garowe uga dhoofeen dhanka magaalada Nairobi ee xarunta Kenya.
Xigasho:Xafiiska Madaxweynaha Dowlada Puntland.