Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay dib u dhigtay ilaa afar diyaaradood oo nuuca F-16 inay u dirto dalka Masar, kaasoo qeyb ka ahaa heshiis horay labada dal u gaareen oo ahaa 20-diyaaradood kuwa dagaalka Mareykanka ugu deeqay Milateriga Masar.
Afhayeenka Pentagon George Little ayaa sheegay in go’aanka lagu joojiyay diyaaradahaas uu ka dambeeyay markii la darsay xaalada ka jirta Masar.
Banaan baxyo iyo rabshado ayaa ka jira Masar tan iyo markii horaantii bishan Milateriga uu xukunka ka tuuray Madaxweynihii hore Maxamed Mursi, inkastoo tallaabadaas aanu Mareykanka ku tilmaamay afgambi, taasoo keeni laheyd inuu joojiyo taageerada uu siiyo dalkaas.
Goor sii horeysay Taliyaha Milateriga Masar Abdel Fatah Al-sisi ayaa ku baaqay inay dadweynaha isugu soo baxaan maalinta jimcaha, si ay u muujiyaan is bar bar taaga Milateriga iyo Booliska inay ka hortagaan qalalaasaha iyo argagixisada.
Afhayeen u hadlay Ikhwaanul Muslimiinka ayaa ku tilmaamay hadalka Generaalka inuu hurinayo dagaal sokeeye oo dhiig ku daata.
Afarta diyaaradood ee F-16 ayaa qeyb ka ahaa 20-diyaaradood oo horay Mareykanka u balan qaaday Masar, hase ahaatee sideed ka mid ah ayaa horay loogu diray Masar.
11-kii bishan ayaa Saraakiil Mareykan ah ay soo jeediyeen in afar diyaaradood loo diro Masar, si Milateriga loogu taageero.
Laakiin maanta oo Arbaco ah ayaa Pentagon xaqiijiyay in la hakiyay diyaaradahaas in loo diro Masar.
Xoghayaha Gaashaandhiga Mareykanka Chuck Hagel ayaa ku wargeliyay Hogaanka Ciidamada Milateriga Masar Generaal Sisi go’aanka ah in la joojiyay diyaaradaha, markii ay khadka taleefanka ku wada hadleen.
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa go’aanka gaaray shalay oo Talaado aheyd, markii uu la kulmay Gudiga Ammaanka Qaranka.
Taageerayaasha Maxamed Mursi ayaa wada dibad baxyo ka dhan ah Milateriga, iyadoo rabshadaha oo galay labo todobaad ay ku dhinteen ilaa boqol ruux.