Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa maanta u magacaabay wasiirka warfaafinta ,Isgaarsiinta ,Hidaha iyo Dhaqanka Puntland Prof.Axmed Shiikh Jaamac Maxamed.
Xeerka lagu magacaabay ayaa lanbarkiisu ahaa 116 kuna taariikhaysnaa maanta.
Axmed Shiikh oo ah abwaan iyo qoraa kuna qoray buugaag luqado kala duwan ayaa madax ka ahaa akeedemiyada dhaqanka iyo suugaanta ee wasaarada sanooyinkii ugu danbaysay.
Xigasho:Xafiiska Madaxweynaha.