Xildhibaanada Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa maanta kulan ku yeeshay xaruntooda Garoowe iyagoo ka dooday habka lagu soo daranayo Xildhibaanada Golaha wakiilada.
Halkan ka Dhegayso Codadka Mudanayaasha Baarlamaanka Dowlada Puntland.
Xubnaha golaha wakiilada waxay aad uga doodeen qaabka lagu soo Xulayo xildhibaanada cusub ee Golaha wakiilada Iyada oo la raacay hab beeleedka ay Puntland ku dhisan tahay xili dhawaan Dowlada puntland go’aamisay in habka axsaabta badan wax lagu soo doorto,shacabkuna codeeyaan.
Qaar xildhibaanada ka mid ayaa soo jeediyay in hab beeleed sidii hore u jirtayna wax lagu qeybsado mar hadii ay socon waayeen nidaamkii tartanka axsaabta ama ururada siyaasadeed ee Puntland.
Dooda Maanta xildhibaanadu yeesheen ayaa timid markii gudiga sharuucda uu soo hordhigay baarlamaanka lifaaq qeexaya in dib loogu laabto qeybsiga ku saleysan habka beelaha.
Xildhibaanada ka hadlay fadhiga maanta waxaa ka mid ahaa Xidhibaan C/qaadir Faarax Bootaan iyo Xasan Xaange Maxamed kuwaasoo si isku mid ah u soo dhaweeyay qorshaha dib loogu laabanayo habka beelaha xili Dowlada Puntland dadaal iyo waqti ku bixisay in laga gudbo habka beelaha.
Dhanka kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland C/rashiid Maxamed Xirsi islamarkaana shir gudoominayay kulankii maanta ayaa dhankiisa dood ka dib ku dhawaaqay in mooshinka maanta ansixintiisa dib la isugu soo laaban doono madaama aan la isku waafaqsaneyn.
Source:PuntlandVoice.