Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Ragii Dilay Alla How Naxariistee Sh.C/qaadir Nuur Faarax oo Garoowe lagu Qisaasay.

$
0
0

560409_539681269385832_1075629690_nMagaaladda Garoowe ee xarunta Puntland wararka anuu ka heleyno ayaa soo sheegey in saakay halka lugu togtey labo dhalinyaro ah oo dhawan maxkamada darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida ee Puntland ay ku xukuntey dil toogasho kadib markii lugu heley dilkii Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax.

Labadani dhalinyarada ah ee qisasta dilka ah lugu fuliyey ayaa ku kala eedeysna in mid ka mid ah uu gacantisa ku diley sheekha halka kan kalana lugu heley inuu soo abaabuley dilka,waxana lugu kala magacaabi jirey Cabdirixmaan Xuseen JaamacBile iyo Cabdulaahi Cismaan Axmed.

Dhawaan ayey maxkamadu ku dhawaqdey inay labadani nin mutesten dil toogasho kadib markii ay natijo la’aan ku dhamatey racfaan ay maxkamadu siisey balse ay ku guul daresten.

Dilkaan ayaa saakey ka dhacay duleedka waqooyi ee magaaladda caasumada ah Garoowe,maxkamada Garoowe ayaa horey u xukuntay 7 qof oo ay ku jiraan labada nin ee maanta la qisaasay kuwaasi oo isugu jira ninka dilka geystay iyo koox lagu eedeeyey inay la shaqeenaysay.

Allaha unaxariste Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaa 15-bishii febuary ninkaan dhalinyarada ah ee maantey latogtey waxaa uu ku diley masjid kuyaala bartamaha magaaladda Garoowe.

Source:RXB.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles