Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Abaalmarin Caalamiya oo la Siiyay Sheekh Somali ah.

$
0
0
Abaal marinta caalamiga ah ee Quraanka Kariimka ah oo sannadkiiba mar ay bixiso Boqortooyada Sucuudiga ayaa waxaa sannadkan ku guulaystay Sheekh Soomaaliyeed oo Muddo badan ka shaqaynayay barista Tajwiidka Quraanka.

Sheekh Xuseen Nuur Qalinle oo asaasay Xaruunta Imaam Shaadibi ee barashada Quraanka ee Mgaalada Boorama ayaa ku guulaystay abaal marinta caalamiga ah ee Barista quraanka ee dunida islaamka ee sannadkan , waxaana abaal marintaasi lagu guddoonsiiyay Magaalada Jeddah oo lagu qabtay munaasabad caalami ah oo loogu talagalay arrintaasi.

Amiir Khaalid Al Faysal oo matalayay boqorka Sucuudiga ayaa abaal marintaasi bixiyay.

Sheekh Xuseen Nuur ayaa VOAda uga warramay marxaladaha  ay soo martay barashada Tajwiidka Quraanka uu soo maray Somalia, isaga oo tilmaamay inuu arrintaasi gacan wayn ka gaystay Sheekh Cali Suufi oo macalinkiisii ahaa.

Waraysiga Sheekha oo Dhamaystiran halka hoose ee boggan ka dhegayso.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369