FAALLO:- JIGJIGA WAY TALLAABSATTAY.
Xarunta DDSI ee Jigjiga Waxaan Soo Gaadhay Shalay Galabnimadii , Waxaana Ka Degey
Hotelka La Yidhaahdo Amina Hotel Oo Ka Mid AhHotelada Tayada Leh Ee Laga Dhisay Deegaankan.
Maskaxdaya Iyo Khibradayda Anoo Isticmaalaya Waxaan Si Qota Dheer U Qiimeeyey Magaalada Jig Jiga
Iyo Horu Marada Kala Duwan Ee ka Soconaya Xiligan Waxaana Ogaaday Dhowr Arrimood Oo Muhiim U Ah Nolosha Iyo Horumarka .
- In Shacabka Deegaankan u Dhashay Ay
U Diyaar Garoobeen La Shaqaynta Xukuumada
Iyo Dhamaan Laamaha Amaanka.
- In Xukuumada Lafteedu Ay Daacad U Tahay
Inay U Khidmayso Shacbkeeda , Waxadna Ka Garan Kartaa
Sida Loo Habeeyey Bilicda Jigjiga Iyo Wadooyinkeeda Oo Dhan
Iyo Sida Loo Soo Dhoweynayo Qof Kasta Oo Soomaali Ka Mid Ah.
- In Dadka Aqoonta Leh Ilaa Heer PHD Ay Yimaadeen
Deegaanka Si Ay Kor Ugu Qadaan Aqoonta Shacabka Deegaanka
Iyo Shacab Weynaha Kale Ee Caalamka Ka Yimid.
- In Dadka Suugaanta u Saaxiibka Ah Ay Ku Mashquulsan Yihiin
Kobcinta Maskaxda Shacabka Iyo Un\badka Soo Koraya Iyagoo Isticmaalaya
Suugaanta Wanaagsan Ee Ku Dhisan Horu Marka Iyo Wadan Jacaylka.
Qodobadan Waxa Ay ka Mid Yihiin , Waxyaalaha
Sida Gaarka Ah iigu Muuqday Ilaa Shalay Oo Aan
Jigjiga Ku Suganahay.
Waxaana Hubaal Ah In Deeganka Somalida Ethiopia
Uu Gacanta Ku Dhigay Guulaha Ugu Muhiimsan
Marka Laga Hadlaayo Horu Marka Iyo Nolosha Aadanaha.
Arrinta Ugu Muhiimsan Oo Ah Amanka Ayaa Waxaa Si
Daacad Iyo Karti Ku Dheehan U Sugaya Laamaha Amaanka
Ee Kala DuwaN , Waxayna Suurta Gal Ka Dhigeen In
Xiligaad Doonto Aad Dhex Socon Karto Caasimadda Jig Jiga
Wax Dhib Ahna Aadan la Kulmi Doonin.
Dhamaan Deegaanada Kale Ee Kilinka Somalida Ethiopia Waxaa
Ay Is Bedelka Ku Dhisan Horu Marka La Wadaagaan Caasimadda
DDSI Ee Jig Jiga .
Zakariye Khaliif Faarax “Fantastic”
Xarunta DDSI Ee Jig Jiga