Ku dhowaad 70 aqal ayaa ku gubatay dab maaanta qabsaday xero ay deggan yihiin dad soo barakacay oo ku taalla bariga magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Mustafa Cabdullaahi oo ah horjoogaha xerada ayaa Saxaafada u xaqiijiyay in uusan dabku gaysan khasaare nafeed, balse uu baabi’iyay aqalladii ay ku hoyanayeen dadka soo barakacay iyo agabkii ay isticmaalayeen.
Aqallada oo ka sameysnaa cooshado ayaa dadkii ku noolaa lagu soo warramayaa inaysan haysan meelo kale oo ay ku hoydaan.
Horjoogaha ayaa sheegay in daminta dabka ay gacan ka siiyeen dhallinyarada deegaanka iyo dab-damis uga yimid maamulka magaalada Boosaaso oo uu uga mahadceliyey gurmadka ay u sameeyeen.
Horay waxaa u gubtay xeryo ka ag dhowaa midda maanta gubatay, kuwaas oo dadkii ku aqallo beelay aanay ilaa iyo hadda helin gurmad bini’aadannimo.