Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Dr.Faroole oo Diblomaasiyiin la Kulmay.

$
0
0

98_2Muddo todobaad ah ayaa magaalada Nairobi ee Xarunta Kenya waxa ku sugan Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole iyo wafdi uu horkacayo.

Kulamo kala duwan ayuu horey ula qaatay diblomaasiyiin ka socda USA ,Safiirada EU iyo AU ,sidoo kalena la kulmay madaxweyanaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Dr.Farole maanta waxa uu la kulmay diblumaasiyiin kala duwan uu ka mid yahay ergayga gaarka ah ee u qaabilsan Midowga Yurub Geeska Afrika Alex Rondos ,Safiirka UK ee Somalia Matt Baugh oo dhowaan xilka warjeejin doona iyo

Xoghayaha guud ee IGAD Maxbuub Macalin.

Waxa la sheegay in madaxweynuhu kala hadlay masuuliyiintan arrimaha Dastuurka, Federalismka, Lacagta Shillin Somaliga, Aqoonsiga Doorashada Jubaland, Wadashaqaynta iyo Hirgalinta heshiiskii DF iyo Puntland ee Garowe lagu galay March 11, 2013.

Kulan uu maanta kula balansanaa Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa la sheegay inuu dib u dhacay inkastoo aan la shaacin xiliga rasmi ah iyo ajandaha labada madaxweyne kawada hadli doonaan.

Madaxweyne Farole ayaa goor hore maanta isaga oo la hadlayay BBC-da sheegay inuu diyaar u yahay dhex dhexaadinta Xasan Shiikh iyo Axmed Madoobe arinta ku saabsan dhismaha Jubaland.

Puntland iyo DF ayaa ku kala aragti duwanaa tan iyo booqashadii Xasan Shiikh ee magaalada Garowe wadada loo marayo dhismaha maamul goboleedka Jubaland oo Puntland kaalin lixaad leh ka qaadatay hirgelintiisa.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles