Waxa Xalay lagu qabtay Qasriga Shiikhul Qabiilaha Beelaha Axmed Harti(Mooracse) Mudane Cabdi Fanaan Cali ee ku yaal Magaalada Ra’asul Kheymah ee Dalka Imaaraatka Carabta Kulan Hor dhac ah oo Looga Hadlay Arimo Dhowr ah oo Khuseeya Beelaha Axmed Harti(Moorcase) .
Kulanka Hordhaca ah ayaa waxa soo qaban qaabiyey Xubno ka Mid ah Beelaha Axmed Harti(Moorcase) oo ka Kooban Dishiishe-Tiinle -Maganlabe iyo Gabtahanle.
Kulanka ayaa waxa kasoo qeybgalay Siyaasiyiin ,Aqoonyahano Ganacsato iyo Qaar ka Mid ah qeybaha Bulshada ee ku dhaqan dalka Imaaraatka Carabta.
Ujeedka Kulankan ayaa Ah Sidii Loo Mideyn loona adkeyn Lahaa Arimaha Siyaasada,Ganacsiga iyo Nabadgelyada Deegaanadii Beesha ee dalka Soomaaliya .
Sidoo Kale waxa loo balamay Kulan Kale oo la qaban Doono 30-06-2013 Kulankaas oo ay Kasoo qeybgeli Doonaan Masuuliyiin ka Tirsan Dowlada Puntland.
Ugu Dameyntii Markii uu dhamaaday Kulanku ayaa Goobta Yimid Labo Amiir oo ka socday Ganacsatada ugu tunka weyn dalka Imaaraatka Carabta Kuwaas oo Ujeedka Imaantin Koodu ahaa Sidii Beelaha Axmed Harti(Moorcase) ay isu dhaafsan Lahaayeen Arimaha Ganacsiga iyo Horumarinta Deegaanada Beelaha ee ay Baahidu ka Jirto,iyagoona amiiradu Balanqaaday inay Ceelal iyo Goobo Waxbarasho ay ka Hirgelin Doonaan Deegaanada Beeshu Degto.