Wararka ka imaanaya Magaalada Bosaaso ayaa sheegaya in diyaarad nooca aan cidina wadin ee loo yaqaan Drone ay ku dhacday tuulada Qaw oo Bossaso u jirta 15 KM ,Kagana dhinaca Galbeedka.
Ciidamada ladagaalanka kula jira burcad badeeda Ee Mareykanka ayaa iyaga dhankooda adeegsada diyaaradahan iyagoo ka soo kicitima dhanka jasiirada Sycheleas si rasmi ahna looma xaqiijin in ay ka mid aheyd diyaradahaasi diyaaradan dhacday.
Waxaa shaki laga muujiyay in diyaaradan oo dul heehaabeysay deegaanada dhaca Galbeedka gobolka Bari ay burburkeeda ku lugyeesheen xoogaga xarakada Alshabaab, ka dib markii maalmo ka hor lagu sheegay bar internetka ay ku leedaha Xarakadaas in la soo riday diyaarad nooca Dronka ah inkastoo aanay ku xusin halka lagu soo riday.
Howlgalka wajiyada badanleh ee dowlado ay ugu horeyso Dowlada Mareykanka ka wadaan Soomaaliya waxaa qeyb weyn ka ah adeegsiga diyaaradaha Basaaska noocyada waxduuba iyo kuwa xambaara Gantaalada halbeegsiga ah, mana ahan markii ugu horeysay oo ay ku burburto diyaarad noocaas ah gudaha Soomaaliya .
Maalmo un ka hor ayay aheyd markii la xaqiijiyay diyaarad Mareykanku leeyahay oo nooca Basaaska ah ay ku burburtay deegaano dhaca gobolka Shabeelaha hoose Koonfurta dalka .