Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Xaflad lagu soo dhoweynayo Wafdiga Dr.Faroole oo Nairobi lagu qabtay(Sawiro+Video).

$
0
0

Magaalada Nairobi ee xarunta Kenya ayaa galabta lagu qabtay xaflad lagu soo dhoweynayo madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamed Farole iyo wafdi uu hogaaminayey.

Masuuliyiin ka tirsan dalka Kenya,xildhibaano DF oo ka jeeda Puntland & Jubaland .wasiiro ka mida Puntland ,masuuliyiin kala duwan oo DF ,Puntland iyo Jubaland isugu jirtay iyo in ka badan kun dadweyne kala duwan ayaa ka soo qaybgalay.

Rugta Ganacsiga Jubaland ayaa soo qaban qaabisay munaasibadan ,waxana dadweynihii ka soo qaybgalay si wayn uga dhax muuqday calamada Puntland iyo Jubaland oo badi ku labisanaayeen.

Heeso taageero loogu muujinayo labadan dowlad goboleed ayaa laga qaaday madasha ,waxana ay ahaayeen kuwo lagu dhiirigelinayay hirgelinta nidaamka federaalka ah.

Saddex xildibaan oo Kenya iyo DF Somalia ah ayaa ka mid ahaa dadkii ka hadlay madasha,iyagoona soo dhoweeyey dhismaha Jubaland iyo sida Puntland ay ugu heelantahay isku keenida Somalia.

Xildhiban Maxamed Shidiye ,gudoomiye ku xigeenka gobolka Isiolo ee Kenya Maxamed Guuleed Cabdi ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii Kenya ee amaanay waxqabadka madaxweyne Farole islamarkasina taageeray Jubaland.

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubaland Yaasiin Jaamac ayaa isna uga mahdceliyay madaxweynaha Puntland sida uu ugu istaagay dhismaha Jubaland iyo dhiirigelinta nidaamka federaalka Somalia.

Waxa uu ka codsaday madaxweyne Farole in dowladiisu gacan ka siiso Jubaland sidii ay waayo aragnimo ku biirin lahayd mamulkan ugubka ah.

Dadkii hadalada ka soo jeediyay xaflad ayaa amaanay madaxweyne Farole iyo sida xukuumadiisa horumarka la taaban karo uga gaartay dhinacyo badan Puntland,waxana sidoo kale ay bogadiyeen inuu wado dadaalka Somalia dib la iskugu keeno ,dhowrista dastuurka iyo taagerada uu siiyay Jubaland.

Wasiirka arimaha gudaha Gen.Cabdilaahi Axmed Ilkajir ayaa ka qaybgalayasha uga mahadceliyay munaasibadan ,waxana uu warbixin kooban ka bixiyay xaalada Puntland iyo hayaanka ay ugu jirto Dimoqraadiyada.

Madaxweynaha Puntland ayaa soo xiray munaasibada oo khudbad kooban soo jeediyay kagana hadlay Jubaland oo uu sheegay in taageeradeedu wadnaha uga taaal Puntland madax iyo shacab.

Waxa uu qalinka ku duugay wadada loo marayo dib u heshiisiinta Somalia ay tahay in lagu dhaqmo Federaalka lagu dhiirigeliyo gobollada kale inay dhistaan mamuladooda.

Xaalada kumanaanka Qaxootiga Somalida ee Kenya iyo Ethiopia ku sugan ayuu soo hadal qaaday iyo sidii ay uga tashan lahaayeen mustaqbalka iyo aayaha ubadkooda.

Madaxweyne Farole iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa maalmahan ku sugnaa Kenya ,waxana la filayaa kulamadoo ka dib inay uga sii gudbaan dalal kale oo gobolka ku yaal iyo Khaliijka Carbeed.

Xigasho:Xafiiska Madaxweynaha Dowlada Puntland.

4_19

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles