Taliyihii Sirdoonka Wadanka Uganda, General David Sejusa ayaa Waxa la sheegay in uu u baxsaday Dalka Ingiriiska,ka dib markii uu ogaaday in la dili Rabo.
Maalinimadii Shalay ayey ahayd markii Ciidamada Amaanka ee Magaalada Kampla ay Albaabada iskugu dhufteen Wargayska Daily Monitor kadib markii uu daabacay Sir uu u soo gudbiyey Taliyaha Sirdoonka ee ka fakaday Uganda General David Sejusa .
Wuxuu General David Sejusa u sheegay Wargayska Daily Monitor Asaga oo London jooga in Yoweri Museveni uu Wiilkiisa Jaamacadaha Mulatariga Maraykanka iyo Ingiriiska ugu Deg Deg Ugu direy, isla markaana Amar lagu siiyey in uu xasuuqo qaar kamida Saraakiisha ugu saraysa Uganda si talada Wadanka Uganda gacanta loogu galiyo Wiilka Museveni dhalay oo Magaciisa lagu sheegay Muhoozi Kainerugaba.
(Sejusa cited himself, Uganda’s prime minister and another general who has been the head of the army but has since been moved to the interior ministry among those at risk of being assassinated for being against Kainerugaba succeeding his father as president.).
Taliyaha Sirdoonka Uganda wuxuu yiri, “Aniga, Madaxweyne ku xigeenka iyo xubnaha ugu sareeya dowladda Uganda waxaan khatar ugu jirnay in nala Khaarajiyo, maxaa yeelay waxaa la Arkay in aan kasoo horjeedno Kainerugaba oo ah Wiilka Yoweri Museveni oo ku guulaystay in uu Aabbihiis kala wareego xilka Madaxweynanimada Uganda”.
Waxaa isku dhex yaacsan Ciidanka Uganda, Taliyahaan ka fakaday Museveni ayaa ah Taliye la soo shaqeeyey Sanadadihii 1986, Ilaa 1990 waxayna ku tahay Museveni dhabar jab weyn, sidoo kale waxaa luntay Kalsoonidii oo hadda waxaa Naftooda u baqaya Madaxweyne ku xigeenka Uganda iyo Saraakiil badan oo qaarkood ay ku sugan yihiin Soomaaliya.
Taliyaha fakaday ayaa Wakaaladaha Wararka AP iyo Wakaalado kale u sheegay in Rag doonaya ay ka dhex ugaarsanayaan Magaalada London balse dowladda Britain ay siisay Ilaalo u Gaar Ah oo Amnigiisa suga.
Dhinaca kale Wargayskii Daily Monitor ee la xiray ayaa dacwad xareeyey dhan ka ah Yoweri Museveni.
(The operations of Uganda’s Daily Monitor newspaper have since been shut down by police who want its journalists to reveal how they obtained a copy of Sejusa’s letter. The journalists have resisted these efforts, saying they go against freedom of the press. In a statement Friday, Amnesty International urged Ugandan authorities to stop what it called “an attack on freedom of expression.”.
“Howl galkii ay Ciidanka Uganda ka fuliyeen Xarunta Wargayska Daily Monitor ayaa wali u xiran sidii Booliisku u xireen, waxaana lagu haystaa sababta ay u siidaayeen Wararka Taliyaha Sirdoonka la xiriira, balse Wargayska ayaa ku doodaya in ay xaq u leeyihiin in ay Aragtidooda Cabiraan ama daabacaan Warbixintii ay helaan.
Sidoo kale Amnesty International ayaa sheegtay Uganda in ay Wargayska joojiso in ay tahay Xornimadii iyo xuquuqdii Saxaafadda in ay meel oga dhaceen isla markaana aysan ogolayn Dadku in ay cabiraan Aragtidooda.
Resource AP http://www.newsobserver.com/2013/05/26/2919117/wanted-ugandan-general-says-he.html
Resource Aljazeera http://www.aljazeera.com/news/africa/2013/05/20135277155910424.html