Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Maqaal:Markay Foolatay ayaa Facshirkeeda La Ogaaday.

$
0
0

imagesTaarikhdu markay ahayd 10kii September sanadkii 2012kii kuna beegnayd maalin isniin ah waxay soomaliya yeelatay madaxwayne cusub waxana loo doortay Xasan Shiikh Maxamuud oo isagu kamid ahaa musharaxiin Tiro ahaan gaarayay 22 musharax oo isu soo taagay hanashada madaxwaynaha dalka soomaliya .

Doorashada madaxwaynaha oo ahayd mid wajiyo badan lahayd ayaa wareegii saddexaad ee doorashada markii la tiriyey codadkii waxaa ku guulaystay Xasan Sheikh Maxamuud oo helay 190 cod, halka Shariif Shiikh Axmedna uu helay 79 cod, sidaas waxaa shaaca ka qaaday guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya, Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari, oo sheegay in tirada guud ee codka la dhiibtayna ay ahaayeen 269 xildhibaan.

Sidaasna waxaa madaxweynaha Soomaaliya ay xildhibaanadu u doorteen Xasan Sheikh Maxamuud, oo ahaa Nin aan laga filanayn in uu noqonayo madaxwaynaha soomaliya waayo dadku mahadal hayn mana jirin cid saadaal kabixisay in Xasan sheikh Maxamuud Uu noqonayo Hogaanka ugu sareeya dalka soomaliya Balse waxay nqotay dhacdo dhacday .

Taariikh Kooban Xasan Sh. Maxamuud, madaxwaynaha soomaliya ee la doortay Sept 10, 2012:

1981 ayuu ka qalin jebiyey Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed.

1988 ayuu shahaadada Master ah ka soo qaaday Jaamacad ku taal dalka India (University of Bhopal)

1993 waxa uu ka mid noqday saraakiisha hay’adda Qarammad Midoobey ee UNICEF. Xilkaas oo uu hayey ilaa markii Ciidamadii UNISOM ka baxayeen dalka 1995.

1999 waxa uu ka mid ahaa abaabulayaashii sidii dhidibada markale loogu taagi lahaa machadka SIDAM ee muqdisho.

2011 waxa uu kamid ahaa asaasyaashii Xisbiga Nabadda iyo Horumarinta oo uu Guddoomiye ka noqday.

September 10, 2012 ayaa xildhibaanada baarlamaanku u doorteen madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud Ayaa ah nin maamulaya shaqo kamiisan culus shaqooyinkii hore ee uu ka soo shaqayn jiray, waxaana masuuliyadiisa uu qaaday Dal Magac ahaan u jira laakiinse ay bur-bureen dhamaan tiirarkii laga amba qaadi lahaa dawladnimada, kaasoo amnigiisa qaybo ka mid ah ay maamulaan Ciidamo shisheeye ah iyo kuwa Somaliya oo dhawaan la qarameeyay.

Wixii kadambeeyay marki ay dhacday doorashadaasi shicib waynaha soomaliyed meel kasta oo ay joogaan waxa ay ahaayen kuwo uhambalyaynaya Xasan Shiikh Maxamuud islamarkaana filanayay maankana kuhayay in wakhtigaasi ay kabaxeen marxalad siyaasadeed oo qalafsan oo muddo 22sano gaaraysa gudaha wadanka soomaliya kajirtay,Balse dad badan ayaa aaminsan fikir ah in taas badalkeeda ay dhacday.

Marka aan leeyahay wanaagi laga filanayay badalkeeda ayaa dhacday waxaan ula jeeda waxa soo baxay waxyaabo badan oo aan laga filanayn madaxwaynaha laguna eedeeyo qaybna ay katahay in danta dalka uu kahormariyo dantiisa iyo waliba tan qabiil ahaan uu kasoojeedo .

Tusaale ahaan waxaan usoo qaadanaya gobolada jubbooyinka iyo Gedo oo kamid ah gobolada dalka soomaliya kuwooda ugu muhiimsan,muddo badan ayay shicib waynaha gobolada jubbooyinku ay ahaayen kuwo maqlayay daryanka hubka noocyadiisa kala duwan oo dhagahooda kusoo dhacayay balse waxa jiray in dadka waxgaradka ah ee kasoo jeeda goboladaasi ay dhexda uxirteen sidii ay udhisan lahaayen maamul ay udhan yihiin.

Waxayna shirwayne balaaran oo ay kaso qayb galeen beelaha daga Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ay kuyeeshen magaalada Kismaayo oo xarun u ah gobolka Jubbada Hoose,shirkaasi waxa uu ahaa mid marxalado kala duwan soo maray bals ugu dambayn guul kusoo idlaaday .

Taniyo maalinkii la doortay madaxweyne Xasan sheekh Maxamud wuxuu ku dhaqaaqay falal Soomaali U horseedi kara In colaado qabiil dib usoo cusboonaadaan, Dalka uu gacanta soomalida uu kabaxo.

Madaxweyne Xasan wuxuu ahaa shakhsi kusugan muqdisho mudadii dagaalada qabiilku jireen, wixii dhibaato ahaa ee xamar Ka dhacayayna maalina lama maqal isaga oo Ka hadlaya,taas oo daliil U ah inuuna marna ahayn shakhsi magac bulshada ku dhexleh, wuxuuna ahaa xoogsade Bakhtiyaa Nasiibna Kursiga kuhelay.

Intuu kursiga yimid wuxuu ku mashquulsanaa la dagaalanka & la colaytanka beesha daarood, wuxuu bilaabay in maamul baan sameyn ku waashay isagoo hilmaamay In soomaaliya tahay dowlad federaal ah dowlada dhexana xaq ulahayn inay soo dhisto Maamulka degmooyinka & gobolada Dalka.

Xasan oo gacanta U galay magudbayaal siyaasadeed oo sabab U ahaa In soomaaliya maanta noqoto dowlad la,Aan 22 sano, hadii hada taladooda lagu shaqeeyana Ayna marna suurtogal ahayn In Qaran soomaaliyeed dib usoo noqdo.

Intabadan Madaxwayne xasan waxa lagu tilmaama shakhsi cuqdad iyo Nacayb Daaroodna ay kudaboolantahay,waxana lasheega in uu adeegsanayo damiirlaawayaal aan kanaxayn ummada iyo sharafta dalka uu leeyahay afar iyo labaatanka saacna kuhaya waxanu wadnaa dib udhiska dalka alla hadal macaana marka ay hadlayaan oo ay shacabka masaakinta ah ay lahadlayaan hadana maxaa kuduugan waxana ogaan kara alle subxaanahu watacaala iyo waliba cida udhaba gasha markastana isha kuhaysa ficilada guracan ee ay kudhaqaaqayaan .

Intaa kaliya maahan in Madaxwayne Xasan lagu eedeeyo waxa xaqiiq ah in dhamaan safiiro uu umagacaabay Niman ay NGOyadii uu kashaqayn jiray kala shaqayn jiray islamarkaana ah Beesha uu kasoo jeedo waxana ay xaraashteen damiirlaawayaashaasu Hantidii qaranka.

Taniyo maalinkii Dadka jubbaland dhaheen waxaan Ka tashanayaan aayaheena ilaa maanta wuxuu Xasan & saaxiibadiisa bililiqo daydeyga ah ku mashquuleen In Dadka jubbaland nabadooda iyo wanaagooda burburiyaan,iyagoo isticmaalaya hantidii ummada In lagu caawiyo loogu talagalay.

Marka lafiiriyo Jawaabta ay dowladu kabixisay markii lagu dhawaaqay durba in Axmed Madoobe uuyahay madaxwaynaha maamulka Jubbaland waxa kuu soo baxayo waxaan caqli gal ahayn,sababtoo ah Idaacada VOAda ayaa markiiba soo istaartay Barre Aadan Shire Barre Hiiraale sida wararka lagu helayo oo waxay uwacday si bare oo gurigiisa kusugan oo isna warbaahinta uga hadlo yiraahdana waxaan anguna ahay madaxwaynaha Jubbaland basle way usuurtagashay.

Oo hadaladiisi waxa qayb ka ahaa waxaa laa ii doortay madaxwaynaha Jubbaland waxana ii doortay dadwaynaha kudhaqan gobolada Jubbooyinka hade bal fiiri waa nin alihiis alle yahay oo hoygiisa kujira afar wiilna waardiye ay kahayaan waxaanba isdhihikaraa waa sasay odaygu oo waxaa madaxwayne udoortay Xasan sheikh maxamuud iyo waliba afarta wiil ee maleeshiyaadka ah ee ilaaliya .

Kasakow talaaboyinkaasi foosha xun ee uu xasan sheikh maxamuud kadhigtay wax wanaagsan ayaa hadana waxa kaaga daran fadeexooyin aan in dhaha bulshada ka qarsoonayn oo uu markasta xasan si iskiis ah uu ugu kacayo hadaba mid iyo lab aan idinka xasuusiyo dhaqanka xun ee aan madax lagu aqoon ee uu madaxwayne xasan markasta kudhaqaaqayo.

Sidaan la soconono madaxwayne xasan waxa uu booqasho rasmi ah uu kutagay UK waxana casumay Raysal Wasaaraha Ingiriiska David Camoron, si kastaba casumaadu ha ahaatee, waxaa qaynuun ah in Marka uu Madaxweynuhu tagayo goobta lagu casumey inuusan gaariga kasoo dagin ilaa albaabka laga furo loona galbiyo goobta lagu balansan yahay, ayna had iy jeer dhinac socdaan dadka u qaabilsan baratakoolka.

Hadaba fadeexadii London ka qabsatey Madaxweynaha ayaa ahayd sida aad sawirka ku aragtaan, isagoo Madaxweynuhu wakhtigii uu la balansanaa Raysal wasaaraha Ingiriiska uu kasoo hormarey 10 daqiiqo, kulanka ayaa ka dhici lahaa 10 Downing Street, Madaxweyne Xasan iyo akhyaartii la socdey waxay soo qaateen gaariga martida oo horey loogu diyaarshey, waxayna isasoo taageen aqalka Nr. 10 halkasoo Raysal wasaare David Camoron ku sugayey.

Madaxweyne Xasan wuxuu isagoo kaligiis ah gaariga uga soo degay Nr.10 Downing Street kadibna isagoo kaligiis ah ayuu albaabka soo istaagey, xiligaas cidna ma sugayn oo 10 daqiiquu soo hor marey, qaynuunkana waa in Gaariga ilaa albaabka la horsocdaa ama la feer socdaa, dhinaca kale Albaabka 10 Downing Street waa n Madaxda Ingiriiska iyo shaqalaha Xafiiska Raysal wasaaruhu ku sugayaan, inkastoo qorshahaas la sameyn lahaa oo aysan Eed ku lahayn Ingiriisku .

Waayo Madaxweyne xasan wuxuu soo hormarey toban daqiiqo oo siduu soo doonayo qof ay asxaabyihiin ama siduu yahay Qof rayid ah buu albaabka usoo hor istaagey, waxaana la cadeeyey in Madaxweynuhu uu albaabka hortaagnaa in mudo ah oo uu xitaa gadaal soo eegey dhowr jeer markii laga furi waayey, lama hubo inuu garaacay iyo in kale Albaabka.

Saxaafada Ingiriisku waxay soo qaateen sawirkii Madaxweynaha isagoo hortaagan albaabka 10 Downing Street, iyagoo ciwaan uga dhigaya Mudane Madaxweyne Albaabka garaac, waxay raaciyeen oo kale “Madaxweynaha Soomaaliya oo 10 Downing Street u yimid inuu qaato 3 milyan oo UK ugu deeqdey Soomaaliya”.

Hadaba Fadeexadaan ma mid aqoon iyo ilbaxnimo la’aan baa mise waa mid ay ugu talagaleen Madaxweynaha, Ilaa maanta waxaa suuqyada London lagu sheekeystaa Fadeexada uu Madaxweyne Xasan usoo jiidey Soomaaliweyn iyo waliba Afrika.

 

Markaan leeyahay Markay foolatay ayaa facshirkeeda la,ogaaday? Waxan ula jeeda madaxwayne xasan markii lagu dhawaaqay in uu yahay madaxwaynaha dalka soomaliya dadku aad ayay usoo dhaweeyen isbadalka dhacay balse waxa kadaran isbadalkaas dhacay waxa uu hada lasoo baxay xasan sheikh waayo cid kafilanaysay in sidaan oo kale xasan uu kudhaqaaqayo habayaraati majirin balse dhacday waxa haday mar dhacaana lama dhaho maxay udhaceen ee waxa ladhaha see wax uga qaban karna marka waa iga su,aale see wax uga qaban karna fikradihiinuna waa muhim?

W/Q:Maxamed Xirsi Cabdi {Jabra}

Jabra444@gmail.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles