Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Wararkii Ugu Dameeyey ee Wafdigii Kismaayo Gaarey.

$
0
0

wafdiKismaayoDFS-650x487Maanta waxaa garoonka Kismaayo ka dagay wafdi ka kooban wasiiro iyo saraakiil AMISOM ah kuwaas oo kasoo ka yimid magaalada Muqdisho.

Wasiiradu waxay kala ahaayeen Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi(Warfaafinta), Cabdullaahi Ebyan Nuur(Cadaalada) iyo Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi(gaashaandhiga).Wafdigan ayaa kolkii ay ka dageen garoonka Kismaayo waxaa halkaa kusoo dhaweeyay saraakiisha AMISOM ee garoonka kusugan.

Soo dhaweyn kadib waxay wafdigii dalbadeen in loo gudbiyo gudaha magaalada.

Saraakiisha AMISOM ee gacanta ku haysa garoonka ayaa u sheegay wasiiradii u sheegay in ka AMISOM ahaanay ay masuul kayihiin garoonka balse magaaladu ay Maamul leedahay ayna haboontahay in arintaas aad maamulka kala hadashaan.

Saraakiishii AMISOM ee wafdiga Xamar kala socotay ayaa saraakiisha AMISOM ee masuulka ka ah Kismaayo ka socsaday in wasiirada magaalada loo gudbiyo arintaas oo socon weyday.

Saraakiisha AMISOM ee Kismaayo ayaa ku adkaystay in amniga wasiirada ay masuul ka yihiin oo kaliya inta ay ku sugan yihiin garoonka hadii ay ka baxaana aysan masuuliyadooda qaadi karin.Waxay kaloo soo jeediyeen in hadii wasiiradu doonayaan in gudaha ugalaan magaalada ay arintaas kala hadlaan masuuliyiinta gacanta kuhaya magaalada iyadoo markaa garoonka ku sugnaa madaxweyne ku xigeenka maamul Goboleedka Jubbaland Generaal Cabdullaahi sheekh ismaaciil(Fartaag) iyo Gudoomiyaha gudiga farsamada shirweynaha Kismaayo Macali Maxamed.

Madaxweyne kuxigeenka iyo wasiiradii ayaa halkaa dood dheer ku galay wuxuuna madaxweyne kuxigeenku si toos ah ugu sheegay in magaalada aysan gali karin kuna noqdaan Muqdisho iyadoo arintani ay sababtay in wasiiradii ay caawa ku hoydaan konteenar yaala garoonka Kismaayo.

Dhanka kale waxaa maanta kulan qado ah wada yeeshay wafdigii horay ujoogay magaalada iyo maamulka Jubbaland waxaana lagu war galiyay in wixii maanta ka dambeeyay loo dul qaadan doonin sii joogitaankooda Kismaayo iyagoo maanta si xushmad leh loogu sheegay in si dhakhso ah ay magaalada uga naxaan.

Maalinta bari ah ayaa la filayaa in Muqdisho ay ka timaado diyaaradii wada qaadi lahayd labada wafdi ee ku sugan garoonka iyo magaalada Kismaayo.

Warar hoose oo soo gaaray  Warbaahinta Raadreeb.com  ayaa sheegaya in Dowladu ay dajisay qorshe ay ku doonaysay in ciidan ay ku dhexsamaysato magaalada Kismaayo iyadoo Saalax Makombo usoo magacaawday taliyaha cusub ee Jubooyinka.Waxay sidoo kale magaalada usoo dirtay abaanduulaha ciidanka xooga oo lacag badan loo soo dhiibay si qorshaha dowlada Kismaayo uga fuliyo.

Dhinaca kale maamulka Jubooyinka ayaa ciidamadooda heegan galiyay xidhiidhkiina ujaray Muqdisho ilaa iyo amar dambe.

Lama saadalin karo halka xaal ku biya shuban doono balse waxaa xaqiiq ah in labada dhinac ay aad u kala fogaadeen wax kastana laga filan karo.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles