Magaalada Kismayo ee xarunta maamulka Jubaland ayaa waxa haatan ka socda dibadbax balaaran oo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan halkaasi uga soo horjeedaan DF Somalia.
Dadkan isku soo baxay ayaa isla jiibinayay hadalo ay ku taageerayaan madaxweynaha Jubaland iyo maamulka laga dhisay Kismayo ,waxana sidoo kale ay DF ka sheegeen inay tahay mid hortaagan hirgelida Jubaland iyo nidaamka Federaalka Somalia.
Waxa la sheegay inuu ka danbeeyey dibadbaxan kulan shalay ka dhacay Kismayo oo lagu cambaareeyay siyaasada DF ee ku aadan Jubooyinka.
Warbaahinta ku sugan magaalada kismaayo ayaa ka warbixisay banaanbaxan oo uu sheegay in dhamaan dadweynahu ka qayb qaateen islamarkaana ugu baaqeen madaxweynaha DF Somalia inuu dalka dib ugu celin colaad.
Sidoo kale banaanbaxyadan ayaa ka dhacay deegaano kale oo ka tirsan Jubooyinka ,waxana sidoo kale la filayaa inay soo deegaan goor dhow wafdi ka socda DF oo uu hogaaminayo wasiirka gaashaandhiga Cabdixakiin Xaaji Fiqi.
15-kii May,2013 ayaa loo doortay Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubaland ,waxana ka soo horjeestay DF oo sheegtay in maamulka laga dhisay Kismaayo uu yahay mid aan waafaqsanayn dastuurka dalka.
Axmed Madoobe waxa uu ku eedeeyey DF inay dhaqaale siiso raga sheeganaya madaxtinimada Jubaland ,isagoona raaciyey inay masuul ka noqoneyso amni daro ka dhacda Jubooyinka.
Xaalada Kismayo iyo dhismaha Jubaland ayaa waayadan danbe ahayd mid hadalkeedu si wayn u socday ,waxana DF Somalia lagu eedeeyay ina uga mashquushay arinta Kismayo hawlo badan oo horyaala sida Amniga Muqdisho.