Madaxwayne ku xigeenka Maamulka Jubbaland State General C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka hadlay arimo badan oo ku saabsan xaalada Kismaayo iyo Dowladda Federaalka diidmada ay ka muujisay Maamulka Jubbaland.
Wuxuu sheegay Jen Fartaag Madaxwaynaha Jubbaland inuu yahay Sheekh Axmed Madoobe, isagoona xusay cid kale inaysan iska sheegan Karin, dhinaca kalana wuxu hoosta ka xariiqay raga kale ee sheegtay Madaxwaynaha Jubbaland inaysan ahayn kuwa wax badan kala socda arinta Jubbooyinka isla markaana ay daba kasoo riixayaan rag watta dano gaar ah.
Sidoo kale wuxuu ka hadlay Ciidamadda ka howlgala gobolada Jubbooyinka, isagoona Tibaaxay Ciidamadaasi inay yihiin kuwa Jubbaland ay leedahay isla markaana aysan jirin marka laga reebo Ciidamadda AMISOM wax Jubbaland ka madax banaan oo ka howlgala gobolada.
General C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag Madaxwayne ku xigeenka Jubbaland garabka Sheekh Axmed Madoobe ayaa dhanka kale eedayn kulul u jeediyay Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, isagoona Yiri Marka Hore Madaxweyne Xasan Shiikh Waxaan ugu Baaqayaa inuu Cadaalad ka sameyay Magaalada Muqdisho ”
isagoona Hoosta ka xariiqay inay gacanta ku hayaan rag isku beel ah isla markaana aysan meeshaasi ka jirin wax cadaalad ah.
Wuxuu tibaaxay General Fartaag markii Cadaalad laga sameeyo Magaalada Muqdisho kadib kismaayo in looyimaado.